Home » News »

Garbahaarey oo uu mar kale maanta dagaal ka dhacay

Magaalada Garbahaarey waxaa mar kale ku dagaalamay ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Ahlu suna Wal-jameeca iyo Al-shabaab, ayada oo meesha uu dagaalka ka dhacayna uu yahay duleedka Koofur bari ee magaalada Garbahaarey.

Dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii ay mar kale Maleeshiyada Al-shabaab weerar kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu suna ku leeyihiin duleedka Garbahaarey, laakiin sida ay wararku nagu soo gaarayaan dib ayaa loo waabiyay maleeshiyadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ciidamada dowladda ayaa waxay wali wadaan baaritaano isugu jira guryaha iyo baabuurtaba, taasoo la doonayo in lagu adkeeyo amaanka magaalada Garbahaarey.

Ilaa iyo hadda ma cada qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii shalay iyo kan maanta.

———-
Cabdi Faarax Maxamuud, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Garbahaarey oo uu mar kale maanta dagaal ka dhacay "

  1. mahad says:

    Nimanyahoow waxaan la yaabay maxaa caqliga ka qaaday nimankaan reer Gedo oo ay maatidooda iyo dadkooda dhibaato iyo bur bur uga daba wadaan war heedhaha shabaab wax la dhaho ma jiraan intaa miyaad garan weydeen meesha Alameriki uu isaga tagay maxaa idin dhigay walaahi waa wax lala yaabo war dadka dhibka iyo burburka ka dhaafa weligiin meel lagu jabay waad jaqalo buurnaan jirteen xagey joogaan shabaabkaan aad dadka ku leyneysaan magacooda war ilaahay ka cabsada oo doqon nimada inta iska dhaaftaan u tura ummadaan aad dabka la dhextaagantihiin caqliga iyo diintaba futuda ayay idinka galeene.

  2. sharmaake says:

    acw waan idin salaamay dhamaan shaqaalaha allgedo online iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed salaan ka dib.
    waxaan la yaabanahay nimanka shabaabka ah baydhabo kuma aysan dagaalamin, kismaayo kuma aysan dagaalamin, shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose kuma aysan dagaalamin waxa ay ugu dagaalami waayeen qoladii soo jabtaba ay u soo aado gobolka gedo oo aan ognahay dagaaladii ay ku galeen balad hawo garbahaarey baardheere oo ayba illaa hada haystaan waxaan aaminsanahay inaysan meeshu diin ooline dadka reer gedo lagu wado isir tir oo loo bahan yahayba in laga dhameeyo qabiilka mareexaan ee dega gedo waxaase ila yaab ah waxa ay uga dhiidhin la yahiin dadka u dhashay in gabood laga dhigto dhulkoodana lagu dagaalamo