London, England (AOL) – Anaka oo ku hadlayna magaca jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolada G/gadud, Gedo iyo Jubbooyinka, waxan hambalyo iyo bogaadin u direynaa Ra’isal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Farax-graad Shirdoon (Saacid), waxana ugu hambalyeyneynaa xilka loo magacaabay oo ah xil aad u adag uuna ka bixi karo nin karti leh oo kaliya.
Waxan leenahay “Ilaahay hakuu fududeeyo gudashada xilka laguu magacaabay, waxaana kuu rajeyneynaa in aad noqoto kii Soomaaliya ku raysato ugana samata baxdo dhibkii muddada soo daashaday.”
———–
Said Mohamed Mire
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Jaaliyadda

Anigoo ah Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Jamhuuriyadda islaamiga ee dalka Iran waxaa hambalyo iyo duco u dirayaa Prime Minister Cusub ee Dowladda Faderaalka Somalia Mudane Dr. Cabdi faarax Shirdoon. waxaan leeyahay hambalyo, xilka laguu magacaabay waa mid culus,waqtiga kala-guur ahna waad ku soo beegan tahay,marka hore ilaah maganso,marka xiga ilaah ha kuu fududeeyo in aad hesho lataliyaal daacad ah,wadaniyiin ah, karte leh,aqoon ku filinna leh, si ayey kaaga xigsadaan howsha badadankeeda.
shacabka Soomaliyeed waxaa ugu baaqayaa in gacan la siiyo madaxda Qaranka Cusub si ay dalka ugu daadiheyyaan dhul barwaaqo ah.
Anigoo Adam salah shiekh hassan(soofe) kuna hadlaayo magaca ururka dhalinyarada somalida Paris ,waxaan hambalyo u direynaa R/wasaraha dr: saacid.waxan illahay ooga baryaynaa in xilka uu qaadey uu lagarabgalo ,umada daalana uu u horseedo barwaaqo iyo nabad, R/wasaare waxaa lagaaga baahanyahay Daacadnimo,sinaan iyo cadaalad, ,wadankuna waa wadankaadi dadku waa dadkaadi, waxaan kaa sugeynaa hogaan cusub oo kaduwan ku wii hore.
Anigoo ka mid ah shacbiga ceelbuur ku nool waxaan halkan uga dirayaa hambalyo raiisul wasaaraha cusub, waxaan ka mid ahaa dadka aad ugu ololeeynayay inuu wasiirka koowaad ka yimaado gedo ama galgaduud HAMBALYO
Jaalle safiir, waa nasiib xumo inaad Tahniyadaada ku soo qorto meel comments loogu tala galay. Waxaa protocol ka ah inaad qoro warqad aad ku saxiixan tahay markaasna u dirto all the official websites.