Home » News »

Guddoomiyaha Jubbaland Diaspora Forum (JDF) oo hambalyo u diray Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Aniga oo ku hadlaya magaca jaaliyadda kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Sare (Gedo) – Jubbaland Diaspora Forum (JDF), ayaa waxaan hambalyo u dirayaa Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdi Farax-graad Shirdoon (Saacid).

Waxaan leeyahay “Ra’isal wasaare, aniga oo huba in xilka aad qaaday uu yahay mid uu kasoo bixi karo oo kaliya shaqsi isku darsaday Alle ka cabsi, aqoon, wadani-nimo, karti iyo Daacad-nimo, aana filaayo in aad leedahay sifooyinkaas oo dhan, ayaa waxaan marka hore kuugu duceynayaa inuu Rabbi kuu fududeeyo xilka culus ee aad dhabarka u ridatay, marka xigtana TAARIIKH BAA QORMEYSEE, noqo kii baal dahab ah ka gala oo shacabka Soomaaliyeed ka saara marxaladda dhibka badan ee ay ku jirto.”

Aden A. Colujoog
Guddoomiyaha JDF

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.