Home » News »

Halkaan ka daawo wareysi ay Keydmedia la yeelatay marwada Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi.

Video-ga hoose ka daawo wareysi ay shabakadda Keydmedia la yeelatay marwad Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi.

Keydmedia waxay marwo Caasha wareysigaan ka qaaday sanadii 2008.

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

8 Jawaabood " Halkaan ka daawo wareysi ay Keydmedia la yeelatay marwada Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi. "

  1. Ali says:

    Caasho Xaaji Cilmi, waa shaqsi umada soomaaliyeed sumcad ku dhex leh.

  2. A.A.Xade says:

    Rashiid iyo Risaaq ma ahee inta kale ma Rootiyaa??!!

    Tag nin lagu xushiyo waxa na dilay Talo haweeneede.
    Taagtaagsi waxa loogu jiray Turub la baandheeyne.
    Taf la rogay Tol Daarood ka weyn Tacab haweeneede.

    Farmaajaba ma siin Toban cod oo loo Tix geliyaaye.
    Ku Tabcade misane Tuure way Tabar ogaayeene.
    Adiguna Tunkaa laguugu wado waa Tu’ aan jirine.

    Taariikhda duuggeeda waa Taxane wiilyahoowe.
    Tacliin kuguma xulan oo rag way wada Tubnaayeene.
    Taagtaagso Tooreey ha noqon Turuq Tolkii gooyne.

  3. Xog-ogaal says:

    Waxan u arkaa Mr:saacid inuuna ahayn nin matalaya beesha Daarood. Waxana ku faraxsanahay in xiitaa jifada uu ka dhashay ay Dareentay taas. Sida Mr: A.A Xade ku sheegay Afarraydiisa.

  4. B/XAWO says:

    RASHIID IYO RISAAQ ROG ROG SIYAASADEED UDAA ( saacid ama farmaajo)

    tag nin lagu xushiyo hadii aynadili talo haweeneedku
    taf larogo hadii ay xuntahay tacbka nolosheena
    oo tiiriga daarood tix galin tol iyo xididkiisa
    nin tanaadey oo majiro tuuray hooyadiye
    tusmadaad rabtaa noocadee A.A.XADE taa adaayiriye

    Farmaajaan cod helin ee hadana ceebta laga yeelay
    cilladmaaha waa hadaad adigu caadi tahay haatan
    Cabdiweli gaas iyo SHariifyaba caynka lootaagye
    Cali khaliif galeyr uma codeyn qofnaba caalinkii gobolka
    cilad maha sidani ina adeer waa caado nabadeede
    Adigaase ceebkadhigey XADoow maanangaran carada kaabuuxdo

  5. caasha xaaji cilmi ii nooloow waa qof dadka iyo dalkaba wax u qabtey oo taariikhda baal dahaba ka geli doonta hadana kaga jirta,caasha jir oo joog illaahay idinki.

  6. nimanyow baryahan gabay madtirin waan ka gabsadaye waxse cawaa guxa ugu riday waa ragan garaab wadagnaye daroodka kala goostaye giilalyadu hayso waxa dee roonka ugu cawaan waa ragan garasha fiicinayne majerten toolkii inu gata waaw garad xume marexana inuu gees uu boxo oo hawiye gadhow daroodna uu galabka baxay maqalay geelow geesiyadii dhulbahantena baryahan dhigi gantalkiye ogadenka gur anafadu guusha kulahaye mar hadii tolkay gabsaday oo dhalashadii guurtay in faraamjo geed lagaga tago waa garad xume oo ina galayidh meel cidla gacanta tagayo oo gaas bananlagaga tagay maqlay geelow daroodka yaaw garasha roon maanta waa gagoole

  7. kaahin says:

    aniguba baryahan gabay maa tirin umnaa gohayne waxa see cawaa gabay ugu wacan hadalkii aad galabta sheegtena mar hadusan gabayguba lahayin guurtii kala sarta oo an gudiyo loo tagayin qoole wax qimaye oo an laa kala gabsanayin garashaa layis dheere alelehe guulalow murtida waad gagabisane daroodka kala goostaye qoloba gees aaday waxaa maanta geedii ugu wacan waa garaad xume majeten midki gacal uu bida galab haa ibashene marexana bayadha haa galo siday gacal wadagane hawiyane haa garabsado ileen waay ulaa galaysaye gadhcadii dhulbahantena taleex gacan hatagine inkastay ragwada gasiren wakhta xidhay gankodiye ugadeenka guur anafadu gafa ulahaye marse hadii tolkay kala goy oo qoloba gees aday geesigii siyaad kama dameyin gacanta daroode in farmaajo jeed lagaga tago waa garad xumee gees waaw uu dhashaayee inaa galayir wayeye gacalkise gaas iyo rag kale malinbay gabawayene darood inaan gogol uu dhigo waye galalowe

  8. Tii kuu dhaxday iyo Hooyadaa, taad jeclayd dumarka
    Toolmoon walaashaa oo kalaa, loo tixgaliyaaye
    Ma tanaado nin dumarka, tuhun u geystaaye
    Marwo tilmaamanoo sharafle baad, ku tacaddiyaysaaye
    Waxaad hadalka tuuryada ah, ula tannaagootay
    Wadaadkeeda tacliinta leh iyo, tababar qaanuunba
    Oo maanta taladii dalkannaga, taajka loo saaray
    Oo shacabku taam ugu direen, taageero raynrayn leh
    Baad tolaysi iyo qabyaalad iyo, tooxsigii jufada
    Uga takoor leedahay kursiga uu, geyo inuu taabo
    Ciil baadse la tegi Soomaaliyana, tamashlaheedii dheh.

    Xaajiga
    Cadaao, Xarunta Ximan iyo Xeeb.