Home » News »

Taariikh nololeedka ra’iisal wasaaraha cusub ee Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sh. Maxamuud ayaa xulasho muddo dheer qaadatay kaddib, waxuu maata Ra’isal wasaaraha ay Soomaaliya 4-ta sano ee soo socota yeelan dooto uu u doortay Saacdi Faarax Garaad oo intii muddo ahba deganaa ganacsina ku lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Taariikh noolaleedka Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo kooban:

->   Saacid Faarax Garaad wuxuu sanadkii 1958 ku dhashay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

->   Wuxuu sanadkii 1983 ka qalin-jebiyay kuliyadda dhaqaalaha ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr oo uu ka qaatay shahaadada Bachelor-ka.

->   Sanadihii 1983 ilaa 1985 wuxuu ka shaqeeyay wasaaradihii maaliyadda iyo beeraha oo uu ka ahaa dhaqaaleyahan, isagoo wixii xilligaasi ka dambeeyay u wareegay dhinaca ganacsiga gaarka loo leeyahay.

-> Wuxuu kaloo la shaqeeyay shirkad lagu magacaabi jiray Breton Woods Institutions, isagoo tan iyo 1991 si gaar ah u sameystay shirkadda Shirdon International Ltd oo uu ka ahaa aasaase iyo maamule.

->   Kaddib burburkii dalka, Saacid wuxuu degay magaalada Nairobi oo uu ka aasaasay shirkadda Shitraco Ltd & Shaam.

-> Saacid wuxuu 20-kii sano ee la soo dhaafay u dhuun daloolay siyaasadda Soomaaliya, waxaana bishii March ee sanadkaan 2012 loo doortay guddoomiyihii ugu horreeyay ee Golaha Rajo (Rajo Forum).

->  Saacid wuxuu leeyahay afar carruur ah oo ay u dhashay Caasho Xaaji Cilmi oo ah xildhibaanad si weyn looga garanayo Soomaaliya oo in badan ka soo shaqeysay arrimaha horumarinta bulshada.

Magacaabiddiisa ayaa timid 25 maalmood kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya kaddib markii uu doorasho kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

——
AOL Nes Desk.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

10 Jawaabood " Taariikh nololeedka ra’iisal wasaaraha cusub ee Somalia "

  1. mohammed ali says:

    Salaama calaykun dhamaantiin.
    Marka xigta Hambalyo:
    Anigu aqoon fiican u ma lehini, raysal wasaaraha cusub laakiin hawsha sugayasa waa dariiqii dheeraa ee qodxa badane khaasatan Gobolka banaadir iyo gobolada dhexe ee uu ka soo jeedo. Waxaan jeclahay inuusan noqon doqon jilicsan oo loo adeegsado beelaha uu ka soo jeedo, ee ku dulaysan Gobolada Soomaliya oo dhan.
    Gunaanad:
    rajada ilaah lagama quusto; laakiin beesha uu madaxwayna kusheegu ka soo jeedo ee Hawiye waa beel fowdo ah oo kasoo hor jeedo wax nidaam dowladeed oo dhan, sidaas owgeed Good luck Mr Graad.

  2. waxaan u hanbalyeynayaa dhamaan umada somaliyeed oo manta loo doortay raysal wasaare cusub lkn dadku ma aysan filayn ninkaan sababtoo ah ma aheyn shaqsi si farmajo oo kale ah sxbo siyaasadeedna leh cv fican leh waa nin iska ganacsan jiray illahow u fududee howshaas loo doortay h

  3. A.A.Xade says:

    Waan u hambalyeeynayaa ninkani xilka loo magacaabay waxaana leeyahay, Ilaah ha kuu fududeeyo xilkan culus ee aad aqbashay amiin. Intaa kadib, waxaan kula talinayaa Reeysulwasaaraha, in uusan marin wadadii uu maray Farmaajo oo uu ogaadaa, in aaysan Somaliya ahayn Xamar oo kali ah, iyo sidoo kale in uu ogaado in uu wax ku qaatay, magaca dhammaan dadka deggan Puntland, Jubbooyin iyo Gedo aayna tahay in aanan loo adeegsan in dadyoowgaasi aan soo sheegay xuquuqdooda lagu doodsiiyo. Iyo in uu ogaado in aay Somali weyn ka sugeeyso, shaqo hufan iyo eex la’aan iyo xaqooda oo aan magac Doowlad uu hor boodayo lagu lunsan, iyo dal leh doowlad danta Dalka iyo dadka ka shaqeeyo. Ilaahoow marqaati ka ahoow in aan la taliyey.

  4. Salaamu caleeykum dhamaan Waa guul soomaali u soo hoyatay maanta inta dhiman rag khibrad u leh ineey eeey dhameestiraan waa loo dhoortay raggi hoowshaan soo dhameeyay oo ilaa iyo heerkaan soo gaarsiiyay weey joogaan dhamaan waxaan u hambalyeeynaayaa ummada soomaaliyeed inta bukta iyo inta caafimaad qabtaba

  5. Ahmed alishirre says:

    as.c dhamaan umada somaliyeed waxan leeyahay hambalyo meelkasta oo aad joogtan …R/wasarahana waan u hambalyaynayaa illaahayna hala garabgalo xilkaas culus ee loo doortay …. anigu waxaan kula talin lahaa in uu xilkiisa u guto si daacad ah oo eex iyo kala jeclaysi maamul jilicsan is qab qabsi la aan golaha uu soo dhisayana ha noqdaan kuwa ku xiran asaga iyo madax waynaha oo ayagana shaqadooda u guta si daacad ah. waxaa lagu jiraa xili aad iyo aad u qatar u ah oo aan la dhayalsan karin waxaana loo baahanyahay inay si daacad ah u wada shaqeyan dhamaan madaxda dalka hada loo doortay ha u horeey…. Madaxwaynaha Xsh Mahamud ……R/wasaraha SF Garaad……. Gudomiyaha Barlamanka….. MC jawaari… Baarlamanka ilaa golaha wasiirada oo la soo dhisi doono intaas hadii ay u wada shaqeyan si isku xiran oo ay ku jirto danta dalka iyo diinta waxaa loo gudbayaa somali nimo hadii kale waxaan ki jiraynaa mugdiga hada nala haray ee ah midka halkaan na dhigay …………….waxaa nalooga baahan yahay in aan lawada shaqayno si daacad ah hadii aan la shaqayn ogaada inaan sidaan waligen ka bixi doonin oo aan ahanayno sidaan ……inshaa allaah waxaan rajaynayaa inaan ka baxnay dawlad la aantii fowdadii qaxooti nimadii oo aan u jeesanay nabadii iyo kala danbayntii waana mi loo baahan yahay qof walba oo somali ah inuu fahmo oo ka shaqeeyo madaxdaxdana waxaan leeyahay war noqda kuu dhibka fowdada gaajada qaxootiga naga saari lahayd soomali way daashay daalka ka saara allena la kaashada inshaa allaah

  6. warsame says:

    horta anigu ma aqaan saacid laakiin waxaan rajeynayaa inuu nin hanweyn oo wadani ah oo aan gumeysiga u debecsaneyn noqdo, marhadii aynu kumeelgaadhkii kabaxneyna waa inaan shisheeyuhu galaangal u yeelan oo uu dalkiisa iyo dadkiisa u shaqeeyo diintana waainaan lagu jahayn oo aanu taarget ka dhigan sharciga alle, haddii kale sidii adeerkii siyaad bare ee isagoo afrika ugu ciidan iyo xoog badan shuuciyaddu ku tidhi mabda,ayaga iyo islaamku is waafiqimaayaane mid meesha ka saar ee wadaadadii laayey markuu yidhi quraankaan nasakhayaa ee jahowalba belo lagaga keenay wixii ka dambeeyeyna aynu wada arkeyno ilaa maanta ………..ayuun buu ku dambeyn, allow wixii xaqa tusi oo u fududee aaammmiinn.

  7. Xog-ogaal says:

    Acw. Anigu Aqoon uma lihi , Guulla waan u rajaynayaa. Lkn. Waan ka Xumaaday markaan Arkay ( Media ) ha qaarkii oo Qoray in Gabadha Xaaskiisa ah ay lug ku lahayd in jagadan loo magacaabo, waayo? Gabadha & Madaxwaynuhu waxay kasoo wada jeedaan hal Beel. Jagadanna waxa lahaa beelwaynta Daarood . si kastaba ha ahaatee hadduu nin adag Oo fahan dheer noqdo waxbaa hagaagi, haddii kale waa jug-jug meeshaada joog.

  8. Keerow Abdi says:

    Waxaan hambalyeynaa Ra’isulwazaaraha cusub waxaan ALLE ka baryayaa in howshaan adag uu ufududeeyo Aamiin Yaa ALLAAH Waxaan u rajaynaa in uu noqdo geesi marnaba kasugin hiil Nacabkii una soo jeedo hadh iyo habeenba ciiddiisi hooyo WABILAAHI TOWFIIQ.

  9. Wiil Daarood says:

    anigu A,A,Xade qoraalkiisa ayaan soo dhaweynayaa…. hal arin ooo xasuusin ah ayaana raacinayaa farmaajo waagi lamagacaabey kursiga beesha Daarood wayne ayuu ku helay magaceeda aad ayaana loo soo dhaweeyay meel kasta oo ay beeshu ku nooshahay iyo somaliweyn lakiin nasiib daro dadkiisi ayaa laga hor keenay.

    hada Saacid haduu kursigaas calaf u helay yuusan wadadi farmaajo oo kale qaadin ee tolkiisna ha isku wato deegaanaduu ka soo jeedana guud ahaan Puntland, Jubbaland Gedo iyo galguduud waa in uuu daafacaa kadibna somaliweyn u istaagaa lakiin hadii intaas laga hor keeno ama siyaasada guracan ee boolida ah ee muqdisho taal uu garab istaago ayaan daro ayay ku dhamaaneysaa.

    arinta Jubbaland waa in uu garab istaagaa in beesha DAAROOD ay iyagu wax isla dhistaan ku heshiiyaan wax wada qaybsadaan somalida la dagtana xaqooda u ogolaadaan waana in uu arintaas ku kaalmeeyaa. waana in uu ka difaacaa caqliga villa somalia yaalo ee ah Jubbaland anaa maamul u dhisaayo reer beledweyne-na adinka maamul dhista sidoo MADAXWEYNAHA qudbadii uu ka jeediyay fagaare. Ka ilaali deegaanada daarood in ay gor-gortan ku jiraan waligood hadaad waajibkaas gudatid waligaa taageero iyo sharaf ma waynaysid hadii kale daciif ayaad ku soo baxaysaa ogow-ne kursiga nin aad marti ugu tahay maleh ninka ku magacaabey kaliya shariciga ayaa siinayo in uu ku dhawaaqo shaqsiga uu doono lakiin power sharing ayad ku heshay hawsha adey kuu taal hada.

  10. aniga oo ah siyad guhad guleed kuna hadlayaayo afka jaliyada somaliyeed oo kunool magalada EDMONTON alberta CANADA waxaan hambalyo u direenaa Raysal wasaaraha cusub mudane saacid farah waxaan kuu rajeeneenaa mudane raysalwasaare ilaah haa kaadhigo mid kanasiib badan rasal wasaarayaashii hore oo waxaan ilaah kaaga baryeenaa in uu waqtiga kuu hiiliyaa aamiin insha allah kariim