Home » News »

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo gaar ah u diraysa Magaaladda Kismaayo

Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ciidamo u diri doonto.

Isagoo la hadlayay saxaafada ayaa Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud waxaa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ciidamo gaar ah gaynayso Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in ciidamada lagaynayo Magaaladda ay isugu jiri doonaan Ciidamo boolis ah iyo kuwa Nabadsugid.

“Kismaayo waxaan dhawaan gaynaynaa ciidamo gaar ah oo dowlada ka socoda gaar ahaan kuwa Nabad sugida iyo Booliska” ayuu yiri Cabdi Samad.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Kismaayo ay tahay magaalo muhiim u ah gacan ku haynta bulshada Soomaaliyeed, ayna dowlada Soomaalia si weyn ula socoto

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Militeriga dowlada ee haatan Magaalada kusugan ay banaanka uga bixi doonaan oo ay samayn doonaan howlgaladda kale ee dalka looga saarayo Shabaab.

Allgedo,  Muqdisho Office.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

14 Jawaabood " Dowladda Soomaaliya oo ciidamo gaar ah u diraysa Magaaladda Kismaayo "

  1. A.A.Xade says:

    Oo Toloow Maxaa loo geyn waayey ciidamadan iyo nabadsugidan magaalooyinkii Kismaayo ka horreeyey sida, Baydhaba iyo Beladweyn?! W/siirka A/ gudaha ee weli ku mashquulsan, Degmo magacaabista qabyaaladeeysan iyo amar bixintuse maxaa ka reebay Doowladdii uu ka tirsanaa ee dhacday mase reerahan sharcigaba ma qabto?!

    Yaase yeelaya in dusha looga keeno, Booliis iyo nabad sugid hal reer ah oo meeshii aay u dhasheenba nabad ka keeni waayey waxa loo soo dirayna aay un tahay, xin, xasdi iyo qas in aay Kismaayo ku siyaadiyaan oo kali ah?!

    Tani ma heshiin oo 91kii baay taagan tahaye dhab ha u heshiiso!!!

  2. saafi kediye says:

    Waxan marka horesalaamayaa allgedo marka labaad waa muhim in magaalada laga sifeeyo mooreyaanta qabsatay oo loo soo diro ciidamada qaranka, waan soo dhaweynayaa

  3. QOQAANI says:

    ciidimo uma baahna in loo soodiro kismaayo marka hore in mudug loo diraa ciidamo kismaayo ciidamo tiro badan ayaa jooga ninkan waa wasiir dhacay somaliya waxay leedahay tastuur cusob marka dowlada dhaxe waa in ay raacdo tastuurka cusob,

  4. Aniga says:

    Aniga taladayda waxaa weeye daraabid la daraabaayo dadka gobalka deten marka ciidamo korka looga keenaayo,waxaan dhihi lahaa ninkaa wasiirnimada sheeganaaya wuu dhachayaa ee talo ha noqonin Caydiiid2.waxii ka dhashaa arintaas adaa masuuliyadeeda qaadaaya.

  5. Hubsad says:

    Alla A/samadow intay qorshahaaga haduuba dhaco Wax ku hagaagi yaraa !!!. Ciidan baa qabtay magaalada ee la xaajoo oo Rag qaali ah ayaa udhintay. Haddii kale u malayn maayo in sidaas wax ku hagaagi, Waayo? Markaad Alshabab uga Carartay iyagaa dhiigooda u huray . waana dadkii deegaanka lahaa marka kala tasho aayaha Gobolka . Taydaa socon & anigaa sad bursan waxbo kuma hagaagi karaan. Fikradayda weeye.

  6. Odey-biiqe says:

    Alla maxad Fashilantahay A/samad kan la leeyahow. Ciidankaad sheegi maxad usoo diri wayday mar hore ? . War meesh Ciidanbaa qabtay dadka deegaanka ah ee la tasho. Hadaad diido Adigaa Cirka Roob ku og . Sad bursi hadduu shaqeenaayo horay buu shaqeen lahaa !!! . Kaalay oo dadka deegaanka latasho marka hore. Hadaad wanaag Rabto. Waa talo.

  7. axmedyare says:

    cidi isku daydaa ineey ciidmo xamar laga kena keento kismaayo waa noo dagaaal ,

  8. kaliduul says:

    Doqankan dadkiisii baa nayjeeriyaan polic u ah,maxuu nabad sugid iyo police ka yaqaanaa. waa mooryaan raba shaati cusub inoo soo xidho, dagaal-oogayaal, alaalaha Gal-gaduud,maxaakiim,Al-shabaa, Al-qaacida,. maantana waa nabad sugid iyo police. xamar wax u qabo iyo naftaada mooryaanimo iyo bililqo xiligeedii dhamaa. jubaland ayagaa iskood maamul u sameeysanaya kamana liitaan Hiiraan oo uu Madaxweeynuhu ku dhiira galiyay in eey iskood u sameeystaan maamul meesha kismaayo uu yiri madaweeynuhu in uu maamul usoo dhisayo.

  9. mohammed ali says:

    wuu la soo daahay, labo sano kahor ayaa loo baahnaa .
    Very late

  10. Asc dhamaantiina kadib waryaada illaahey halaga baqo waad dhiman doontaane qabrii mugdiga ahaa ayaa idin sugaya qabyaalada iska daaya wasiirkana waa wasiir qaran ee ma ahan wasiir beeleed somalina qabiil aan wasiir laheyn majiro waa in aaan ixtiraamnaa hadalkiisa xitaa haduu qaldan yahay waayo wax aan ka badali karno ayaaba iska yar wabilaahi towfiq

  11. ahmed says:

    war nimankiinaan maqaalka commentiga kabixinaya ma wada ilkadheertii baa tihiin. Kismayo waa magaalo soomaaliyeed maaha kenya. waana lakeenayaa ciidamada dowlada si sandula ah barya maaha waxaa kaloo soo socdo ciidamadii lagu soo tawa baray ethiopia, waxeyna joogaan dooloow weyna soo socdaan. waana taageersanahay dowlada hadaa nahay reer jubaland. wabilaahi towfiiq

  12. madoobe says:

    waaryaa haddaad ciidamada qaranka diidayso oo aad mooryaan ku sheegtay, kuwaaguna waa mooryaan weliba kiinyaan ka amarqaata ee ka saar magalaada, magaaladan aad sheeganeysona shaqo kuma lihid ee shan boqol km ilaa xadbeenaadka ayaad ka soo orodeen markaad maqasheen ashabaab baa kabaxdey haddaad u diido magaalada in la dowladeeyo raggii lahaa baa xabad kaaga saaraya. ma garatey????????????????????????????????

  13. husein says:

    Xaadka kenya iyo kismayo waxa ay iskujiraan 120 km waa marka aad kaegto dhanka haluuqoo waa mida keente in diyaaradaha ciidanka kenya ay 10 daqiiga kali kuqaadata malin walba marka ay kismayo soo aadayaan oo xitta iyago waligood lagu arkin Garissa ay maanto Kismayo xarun milatery kadigtaan. sida ay kubaxaana way adagtay.
    cidan moorayaan oo hawiye ah si ay Kismaayo kusoogaraan wey adagtahay, taliyahooda cidinka baa haweeystay oo u suuroobi weydi.
    Marka nin mooriyaan ah oo qori Ak ah sita oo xita hal gaari oo taya leh aan haysan sidu ku soo gara Kismaayo.

  14. Aniga says:

    Sxb haduu afguduud keeno cayrta mooryaanta ah messha waxaa yaqaana tarayso garsiiya warkaa hana ogaado in meesha jogaan nimniii la baxay jugta culus