Home » News »

Faah Faahin: Dagaal Qasaaro gaystay oo ka dhacay Duleedka Baydhabo

Dagaal xooggan oo udhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Shabaab ayaa ka dhacay duleedka Magaaladda Baydhabo ee gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira qasaaro aan la ogayn oo labada dhinac soo kala gaaray.

Gudoomiyaha Maamulka dowlada ee gobolka Bay Cabdifataax Geesey ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Goof-Gaduud ayna halkaas ka saraeen Shabaab.

‘Maanta waxaa ay ciidamada dowlada howlgal ku qaadeen deegaanka Goof-gaduud, halkaas waxaa weeraro kasoo qaadi jiray kooxaha nabad diidka ah waana ka saarnay hubna waan ka qabsanay’ayuu sheegay Gudoomiyaha dowlada ee Bay oo dhanka kale tilmaamay Askar Shabaab ah ay ku dileen dagaalka.

Al-Shabaab wax war ah kama aysan soo saarin dagaalkan ka dhacay deegaankaas hoostaga Magaaladda Baydhabo ee gobolka Bay.

AllGedo, Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Faah Faahin: Dagaal Qasaaro gaystay oo ka dhacay Duleedka Baydhabo "

  1. mohammed ali says:

    maxaa cadaynaya warkan inuu sax yahay, sawirna lagama hayo.