Home » Meher-Aroos, News »

Madaxweynaha dowlada oo Uganda aaday sheegayna inuu la kulmayo Madaxda Kenya iyo Masar

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa maanta ka anbabaxay Magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda dalka Uganda.

Waxaa uu dalkaas kaga qeyb gali doonaa Munaasabad lagu maamuusayo sanad guuradii 50-aad ee xoriyada dalka Uganda.

Kahor inta uusan ka bixin Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa uu qabtay shir jaraa’id isagoo sheegay in uu casuumaad ka helay Madaxda dalkaas Uganda.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in xiliga uu kusugan yahay Kampala uu la kulmi doono madax katirsan wadamada Afrika sida Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Masar.

Madaxweyne Xasan Sh ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu dalka dib ugu soo laaban doono maadaama ay howlo badan yaalaan.

inta uu dalka ka maqan yahay waxaa uu sheegay in talada uu sii hayn doono Afhayeenka barlamaanka Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha dowlada Soomaalia uu dalka kaga baxo tan iyo markii la doortay 10-kii Bishan.

AllGedo, Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.