Home » News »

Qunsuliyada Soomaaliya ee waddanka Australia oo u hambalyeeyay Ra’isul wasaaraha cusub


Ra’isal wasaaraha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Qunsuliyadda guud ee Soomaalida u fadhida waddankaasi Australia ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay, madaxweynaha DFS mudane Xasan Shiikh Maxamuud, guddoomiyaha Baarlamamka DFS Maxamad Shiikh Cusmaan Jawaari, iyo raiisal wasaaraha cusub ee DFS Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Qunsuliyadda ayaa waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay aqoonyahannadaan Soomaaliyeed ee loo magacaabay hogaaminta dalka kuweaasoo ay sheegtay in ay yihiin kuwa ka bixi kara xilliga cusub e ay Soomaliya gashay, iyagoona sheegay in saddexdaan mas’uul ay yihiin kuwa ka soo dhalaali kara xilkii lagu aaminay.

Qoraalka ayaa waxaa ka soo baxay qunsuliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Australia ayaa waxaa mas’uuliyintaasi loogu rajeeyayin Alle uu u fududeeyo sidii ay ugu guulaysan lahaayeen halganka culus oo ay ugu jiraan dib usoo nooleynta qaranimadii iyo wadajirkii ummada Soomaaliyeed ee labaatameeyada sano ka maqnayd.

Sidoo kale, bogaadin taas la mid ah waxaa loo soo gudbiyay Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee dhawaan la doortay.

Ugu dambayntii, anoo ku hadlaya magaca qunsuliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Austaralia, waxaan leeyahay Allaha idiin fududeeyo hawshaas culus ee aad qaranka u haysaan.

————–
Yonis Yaasiin Xaashi “Ooga-cadde”, Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Australia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.