Xili dhawaan Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud uu magaaladda Muqdisho kaga dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya kaas oo loo magacaabay C/Faarax Garaad ayaa waxaa arimahaas ka hadlay Kooxda Shabaab.
Afhayeenka Kooxda Shabaab Cali Maxamuud Raage ‘Cali Dheere” ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in aysan waxba iska badalayn mowqifkoodii kadib Ra’isul Wasaaraha la magacaabay.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin wax uu soo kordhin doono Ra’isul Wasaaraah cusub uuna la mid yahay kuwii hore sida uu hadalka u dhigay.
“Waan sii wadeynaa dagaalka, kan cusub ee ay magacaabeena waxba kama duwano kuwii hore” ayuu sheegay Cali Dheere oo lahadlayay Reuters.
Al-Shabaab ayaa u muuqda kuwa waayay deegaanadii ugu badnaa ee ay ka talinayeen, lamana oga siyaasada ay xukumada dhawaan la filayo kaga hortagi doonto Shabaab.
Allggedo, Muqdisho Office.

alshababow ama dharta ama ha dharanina dhar fulaynimo ah waliginbo wa laidinku yaqana balse anagu hadan shacab nahay waxan idin cadaynayna inay marki u magacina hari laha ay hada tahay
Al/shababoow waxaan isheganaa hadaan shacab nahay waad inaad iskusoodhimtaan dwlada hadii kale warabaha wuu iga dhamaantoonaa olba xaran ayuu ahaa wax xaraan ah mawaraan ee kamid noqda shacabkiina inta hadhay olba dhameyseen saad uqalanasiin