Home » News »

Taliska Militeriga dowlada oo sheegay in la isku furayo Wadooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo

Taliska Ciidamada Militeriga dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay sii socon doonaan Howlgaladda kadhanka ah Shabaab ee ka soconaya goboladda dalka.

Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Gen. C. Kariim Dhaga-badan waxaa uu sheegay in qabashadii ay ciidamada isgarabsanaya la wareegeen Walaweyn ilaa deegaanka Leego ay fududeynayso in ay gaaraan deegaanada kale ee ay Gobolka Bay kaga sugan yihiin Shabaab.

“Ciidamada waa wadayaan howlgaladda ilaa ay isku furayaan Sh/hoose iyo gobolka Bay waana qorshe horey looga soo baaraan dagay” ayuu sheegay Dhaga badan.

Sidoo kale, Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Gen. Dhega badan ayaa sheegay in ciidamada ay isku furi doonaan wadooyinka aada Kismaayo ilaa Magaaladda Beledweyne.

“Qorshaha waa in kuwa jid iyo jiha diidka ah laga saaro dalka, waxaan isku furaynaa Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo ilaa Beledweyne” ayuu carabka ku adkeeyay.

Hadalka Militeriga Soomaaliya ayaa ka danbeeyay kadib markii ay Shabaab ku hingoobeen difaacashada deegaano badan oo goboladda dalka ah.

Allgedo, Muqdisho Office.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.