Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay gaari doonaan dhawaan Magaaladda Buur-hakaba ee gobolka Bay.
Isagoo la hadlayay qaar ka mid ah saxaafada ayaa Afayeenka Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM Col. Cali Aadan Xumed waxaa uu sheegay in Buur-hakaba ay tahay Magaalo Muhiim ah.
“Magaalada waa mid aad muhiim inoogu ah, maxaa yeelay waa magaalo istiraatiji ah danta aan ka leenahay magaaladana waa inaan isku furnaa Muqdisho iyo Baydhabo” ayuu sheegay Afhayeenka Amisom.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Afhayeenka Ciidamada Amisom waxaa uu tilmaamay in Al-SHABAAB aysan ku dagaalami karin Magaaladda maadaama labada dhinac laga xigo.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay inaysan doonayn in dagaal dhiig uu ku daato uu ka dhaco Magaaladda sidaa darteed ay doonayaan in si lamid ah sidii ay u qabteen Walaweyn ay kula wareegaan.
Allgedo, Muqdisho Office.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.