Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa xalay gashay xaalad bandow ah iyadoona ay ilaa iyo haatan soconayaan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni ayaa howlgalo balaaran ka wada gudaha Magaaladda, iyadoona bandowgii xalay uu hirgalay fiidkii hore.
Goob joogayaal ayaa Allgedo u sheegay in ku dhawaad 10 Ruux lagu soo qabtay howlgalkii xalay, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay falal amaan xumo ah magaaladda ka wadeen.
Maxamed Faarax Dahir oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa saxaafada u sheegay in bandowgaas uu qeyb ka yahay howl galo lagu sugayo amaanka.
Bandowgan ayaa kusoo aadaya xili magaaladda ay waayadan ka jireen falal isugu jiray dhac iyo dilal qorshaysan.
Allgedo, Muqdisho Office.

Baandow-gu hadii uu yahay mid amaanka lagu sugayo, waa arrin fiican. Hadiise looga jeedo caburin shacabka lagula kacay oon micno lahayn, waa tilmaan foolxun oo keeni karta inay shacabku kalsooni siin waayaan huwanta. Wixii wanaag loola jeedo wanaag buu dhalaa, xumaantuna xumaan bay dhashaa. Mida kale away maamulkii la sheegayay in loo dhisi doono goboladaas. Ma jirto mushtamac meel ku nool oo nimaad la’aan ah, haday taasi dhacdo foodo ayay ku dambayn, xaalkuna hal bacaad lagu lisay bay noqon. Khayr Allaha keeno. Aaaamiin