Home » News »

Eriteria oo Golaha amaanka ka dalbatay in cuna qabataynta ay ka qaadaan

Dowlada dalka Eriteria ayaa ka dalbatay golaha amaanka ee QM in ay ka qaadaan cuna qabataynta saaran.

Eriteria ayaa cuna qabatayn lagu soo rogay sedex sano ka hor kaddib markii lagu eedeeyay in ay garab siiso kooxda Al-Shabaab ee xariirka la leh Al-Qaacida.

Hadal kasoo baxay Waaarada Arimaha dibadda ee dalka Eriteria ayaa looga dalbaday QM in maadama lagu waayay danbigii ahaa in ay kaalmo ciidan siiyaan Shabaab in cuna qabatayna laga qaado.

Dalabkan ayaa dowladda Ereterea waxaa ay ku muujisay warqad ay u qortay golaha amaanka ee QM oo ku taariikhsaneyd 27 September, balse warbaahintu ay heshay saacadihii la soo dhaafay.

“QM Waa in ay naga qaadaa cuna qabatayna maadaama aysan jirin wax danbi ah oo nagula helay”ayaa lagu sheegay Bayaankan kasoo baxay xukumada Asmara.

Dowlada dalka Kenya ayaa xili sii horeysay ku eedeysay Eriteria in ay kaalmo ciidan siiso Al-Shabaab-ka ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Allgedo, Muqdisho Office.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.