Home » News »

Howlgalo ka socda Kismaayo iyo qarax xooggan oo maanta ka dhacay

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay halkaas ka wadaan Howl galo balaaran.

Howl galadan ayaa ka danbeeyay kaddib markii qarax xooggan uu magaalada ka dhacay kaas oo lala eegtay ciidamada dowlada Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa Allgedo u sheegay in qaraxa uu ahaa Bambo lagu tuuray ciidamo ka tirsan dowlada, waxaana lasoo sheegayaa in bambadaas ay ka danbaysay haweenay INDHO SHARERAN.

Saraakiisha dowlada ee ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in howlgaladda soconaya lagu baadi goobayo kuwii ka danbeeyay falkaas weerarka ah.

Kismaayo ayaa amanakeeda waayadan waxaa uu ahaa mid kasii daraya waxaana xalay magaaladda ka dhaqan galay bandow.

Allgedo, Muqdisho Office.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Howlgalo ka socda Kismaayo iyo qarax xooggan oo maanta ka dhacay "

  1. Odey-biiqe says:

    haweenkii in maciin la moodo ayay gaadhay. War haween wax tari mayaane. Yaan lawareerin.