Home » News »

Howl galo ka socda Muqdisho iyo Taraafikada wadooyinka oo qalab cusub helay

Waxaa maanta wadooyinka Magaaladda Muqdisho ka soconaya howl galo ay samaynayaan ciidamada Taraafikada dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Taraafikada ayaa baaraya gaadiidka aan Taarikada lahayn ee ku sugan magaalada.

Isagoo la hadlayay saxaafada ayaa Taliyaha Ciidamada Taraafikada Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) waxaa uu sheegay in lasoo gaarsiiya qalab cusub oo awood u yeelanaya in si deg deg ah loo ogaado gaadiidka aan taarikada lahayn.

Ilaa iyo haatan waxaa howl galkan lagu soo qabtay ilaa 50 gaadiid iyo dadkii waday kuwaas oo sharciga jabiyay.

Jen. Cali ayaa howl galkan ku sheegay in uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka Magaaladda Muqdisho oo waayadan ay ka dhacayeen falal dilal iyo qaraxyo ah.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in gaadiid kasta oo aan lahayn Taariko iyo leysan laga doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay goostaan hadii kale talaabo laga qaadi doono.

Waa howlgalkii ugu balaarnaa oo ay wadooyinka Muqdisho ka sameeyaan Ciidamada Taraafikada dowlada Soomaaliya.

Allgedo, Muqdisho Office.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.