Waxaa cirka isku sii shareeyay Khilaafkaa ka dhex jiray Maamlka Gal-mudug kadib markii uu shalay halkaas gaaray madaxweynihii xilka laga qaaday Maxamed Axmed Caalin.
Dad aad u badan ayaa kaga hortagay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo si ay usoo dhaweeyaaan Mr. Caalin oo sheegay inuu yahay Madaxweynaha xaqa ah ee Maamualka Gal-mudug.
Caalin ayaa sheegay inuu doonayo in wax kasta lagu xaliyo wadahadal, hase ahaatee uusan ogolaanayn in xilkiisa si aan sharci ahayn loo qaato.
Magaaladda Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa jawi siyaasadeed oo kacsan iyadoona ay soconayaan kulamo xasaasi ah.
Waxaa Khilaafka sii kiciyay Madaxweynihii xilka laga qaaday Caalin oo sheegay inuu ku laabanayo xafiiskiisi.
Madaxweynaha la doortay dhawaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kama uusan hadlin ilaa iyo haatan soo gaaritaanka Magaaladda Gaalkacyo ee Mr Caalin.
Odayaal iyo wax garad degaanadaas kasoo jeeda ayaa isku dayaya in ay xal ka dhex keenaan dhinacyada isku haya siyaasada Maamulka Gal-mudug.
Allgedo, Muqidisho Office.

Gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Cali Baashe oo isna caawa bbc-da wareeysi siiyay ayaa sheegay in aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Xarakada Al-islaax, Sheekh Max’ed Axmed Garyare na in uusan Masuul kaheeyn hadda ama uusan Xil kaheeyn Maamulka sare ee xarakada Al-islaax ayana tahay wax laga xumaado inuu haddal siddaa ah ku hadlo Shaqsi kamidda asaasayaashii Ururka Al-islaax isagoona sheegay in arintaasi ay tahay Af-genbi uusan dhiig ku daadan.
Ilaahay hakala qaboojiyo aamiin