Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo ku sugan Magaaladda Kampala ee dalka Uganda ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Kenya Mwai Kibaki.
Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen xariirka labada dal iyo xaaladaha Magaaladda Kismaayo iyo guud ahaan gobolka Jubada Hoose.
Madaxweynaha Kenya ayaa ugu hanbalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya qabashada xilka ugu sareeya Soomaaliya isagoo balan qaaday in dowladiisa ay la shaqeyn doonto.
Xasan Sh Maxamuud ayaa kala hadlay Mwai Kibaki arimaha Magaaladda Kismaayo iyo sidii Maamul dhamaystran loogu samayn lahaa.
Xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa Allgedo u sheegay in la isla gartay sidii Maamul shacabka ka yimid loogu samayn lahaa Magaalada.
Madaxweynaha dowlada ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay dalkaas waxaa uu la kulmi doonaa madaxda kale ee ka qeyb galaysa xuska sanad guuradii 50-aad ee xoriyada dalka Uganda.
Allgedo, Muqdisho Office.

S/calykum.
haduu warkan saxyahay, wuu ku saxanyahay inuu taageero shirka kasocdo kiinaya ee dawladaha IGAD hormoodka ka yihiin laguna dhisayo maamul ama dowlad goboleed ee Jubooyinka.
sxb Mohamed ali haduu tagero iyo hadusan tagerin shirka nairobi horta yaa wax kawaydinaya ama ubaahan aya kahoraysa sxb. Midakale cafimadkisa aya kujira inu tagero wayo cidanka difacaya wa ajanib kamana hor iman karo ajanibkale, Lamana kala xoog badna somalia waliba inta kismayo jogta ayaba ka xogbadan aya ladhihi kara inta jogta muqdisho wayo wa ugandis muqdisho kuwa joga.
sxbyaal horta waxa jiro wax layirahdo siyaso, siyasiyan madaxweynaha somalia ad ayu saxanyahay wayo marku dido dadalka kenya ay kubixineso jubaland yusugaya inu xasiliyo dhulkan madama uganda cidankeda ukufilnen inu somalia kawada saro alshawab , kenya wa xubinta ugumihimsan IGAD ama UN ama xaga xarirka AU da africa, waxan aminsanahay madaxweynaha somalia hadu latashan wadamada dariska laah somalia inay ad uyaraneso wax qabadkisa, yan la egin dadkan jaceyl inay godkuridan dowlada oo kunol xamar, hadu yahay nin aqoon leh siyasina ah haiska xogiyo xarirka wadamada dariska ah, tan kale shirka kenya kasocdo dadka jubaland iyo gado kunol way kawada simanyihin ayaka ayana wato shirka kenya dhaxdaxad le katahay oo ergay aya ujogo, dowlada somalia see cadalad wey kafogtahay hada kadib sidey siyasadeda ubadalidonto magaranaye, wayo why gabaladan laqabtay ey argo ugusodiraynin so ego sida xalku yahay ? wa kan hiran, iyo baladweyne, baydawo, afgoye aykabadan ladahaye, kuwan kamid mahan somalia., Abdisamad dowlad u hogaminayo mafilayo inay siyasad wax kafahmeyso, lakise rajan kaqaba raisul wasaraha inu laiman dono siyaso fur furan , Allah hanaga ilasho dhulmi iyo qilaf, rer jubaland damaantod iyo somalia inteda kale ba
asx sxb waxay ila tahay kenyo waa qaldantahay maxaayeelay somaliya iyo kenya waa labadal oo deris ah kenyo shaqokuma lahan in ay faragashato arimaha gudaha ee soomaaliya maxaayeelay somaliya riftifaali oo ah gobolkenya kamid ah maamul ma usamaynkartaa jawaabtu waamaya marka kenyo ha aqoonsato waygeeda mida kale ciidamadeeda waan kamaaranaa ee hanagala baxdo sideedabo ileen qayaanadeeda waan aragnaa kanayeelimayno ee
Jawaab ku socota Moxamed Cali.
Walaalle arrintu hadda ma joogto waa saxsanyahay iyoma saxsana. Waan la wada soconna heerarka aay nasoo
marsiiyeen Kenya iyo xulafadooda markii la eego boobka
dhulbadeedka Soomaaliyeed, mar kastana diyaar waxaay
u yihiin in damacoodu uu horay u socdo, middaanina
waxaay qeeyb ka tahay boobkaas la damacsanyahay.
Kismaayogoor maamul loo sameeyaba waa loo sameyn doonaa ee Kenya iyo kuwa dabada ka riixaya hannaga
hareen. Ha is indha tirin, dhagahana fur:- Kenya waxaay
Soomaaliya kusoo gashay XOOG, kaddibna farsamo
ahaan ayeey uga mid noqotay AMISON,
Weerar dayaarado iyo ciidan lug oo aan ka mid ahayn
ayeey Kismayo ku qabsatay ayadoo AMISOON sheegta
in weerarka dayaaradaha iyo ciidamada gaarka ah
ee Kenya aaysan amar ka heysan AMISON waxna
ka ogeyn. sidaas ayeyna Kismaayo ku qabsadeen.
Walaal Moxamed Cali, ma garankaro haddii aad adigu tahay
Kenyaati iyo in kale.
Waqtigaan xaadirka ah waxaa jira dhowr Soomaali sheeganaya oo maskaxda laga heysto.
Ilaahey ha kusoo hanuuniyo.
Jawaab ku socota Moxamed Cali..
Walaal indhaha ha istirin.
Xaqiiqadu sida aay tahay jalkan hoose
ka akhriso.
Somalia soomaali baa iskaleh, Kenya
shuqul kuma lahan maamulkeeda.Kenya
xoog bay sheeganeyaa.
Akhri halkan
“Militariga Kenya waqtiga ay ku jirayaan gudaha Soomaaliya waa mid aan lahayn muddo cayiman….” Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Kenya
Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com: Wednesday, October 10, 2012 // u Jawaab
Qoraallo La Xiriira
Maxamuud iyo Kibaki oo ku kulmay Kampala
Kuxigeenka Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya oo Qiray in uusan hore u jirin Muran-Badeed u dhexeeyey Somaliya iyo Kenya, balse uu yahay muran ay sameeyeen DFKMG, Norway iyo….
Dowlada Cusub ee Soomaaliya oo Dooneysa in ay Dib u soo Nooleyso Shirkado Shidaal oo hore Heshiis ula galey Dowladii Milatariga
Shiikh Shariif “Hadalka Wasiirka Kenya waa mid aad looga Xumaado,waana mid aan Kaalmeyneyn Wada Noolaansha Labada Wadan”
QM oo Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) ka dhigay Waxba kama Jiraan….
Barnaamijka BBCHARDTalk oo waraysi (Oct 5, 2012) la yeeshay ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Kenya, ahna musharaxa madaxweynaha, Musalia Mudavadi, ayaa waxa laga weydiiyay muddada ay ciidamada Kenya ku jirayaan gudaha Soomaaliya, waxana uu si qayaxan u sheegay in ay weligood ku jirayaan Soomaaliya.
Weriyaha oo arrintaas ka xaqiijinaya ayaa yiri “Si arrintu iigu kala caddaato, marka aad eegtid Soomaaliya maanta, militariga ay Kenya u dirtay gudaha Soomaaliya ma mid aan waqti cayiman lahayn oo weligiis ah miyaa?
“Waa mid aan waqti cayiman lahayn, oo weligiis ah” ayuu kaga jawaabay ra’iisul wasaare xigeenka Kenya, Musalia Mudavadi, oo u sharaxan xilka madaxweynanimada Kenya doorashada la qaban doono March 2013.
Mudavadi hadalkaas waxa uu sheegay kaddib markii ay Soomaaliya yeelatay dawlad rasmi ah, ilaa haddana DFS ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Maxamuud wax jawaab ah kama soo saarin xilliga ay ciidamada Kenya ka baxayaan gudaha Soomaaliya.
Hoos ka daawo Video-ga:
Sawirka hoose waa ciidamada Kenya oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
Askar Kenyaati ah – Garoonka diyaaraha ee Kismaayo – Oct 2012
Madaxweynaha DFS oo ka qayb galayay dabaaldegga madaxbannaanidii Uganda ayaa Kampala kula kulmay madaxweynaha Kenya, warbaahinta Villa Somalia wax faahfaahin ah kama bixin kulankooda waxyaabihii ay ka wada hadleen.
madax waynuhu muukahadlo sidii maamul loogu samaynlahaa HIIRAAN,GALGADUUD,BAY-BAKOOL,SHABELOYINKA maxaa kaliya KISMAYO kadhigay meesha ay dawladu ugu dultaliso dadkeeda may wadankoodhan maamul usamayso ama dadka loo wada fasaxo in ay deegankooda maamul usamaystaan . waxaa iga yaabisay in madaxwaynuhu asagoo B/WAYNE jooga yiri reer hiiraan maamulkooda hasoodhistaan hana isutaliyaan cid xamar kamaamulaysaa majirto. hadalkaas kii kuxigay asagoo isla goobtii fadhiya ayy yiri M/ne XASAN kismaayo ma,ogolin in cid aan dawlada ahayn ay maamul usamayso raalina kamanihin in meel aan xamar ahayn lagadhiso maamulkaas. taas markaan fiirino miyayna ahayn cadaalad daradii ugu horaysay ee ay kudhaqaaqdo dawladu . kaagaba siidarane booqashada KAMPALA ayaaba gundhigeedu yahay sidii reer J/land ayna maamul usamaysteen dalalka dariskana loogu dacwayn lahaa .oo maa laga hadlo meelkasta oo dalka kamid ah maamul ayaa laga samaynayaa waxaana samaynaya ciidankii qabsaday iyo dadka degan deeganka laqabto , waamaxay axa gaarka ah ee JUBOYINKA saaran ee dadkii deeganka udhashay loogu diidayo in ay maamul usameeyaan marhadii laxoreeyay?
Asc, kenya iyo dadka xamar joogo waxaa arimaha goboladan daacad ka ah Kenya sababtoo ah kenya waxay leedahay dadka deggen goboladan ha sameystaan maamul, dadka xamar joogana waxay leeyihiin innagaa u sameyneyna goboladaa maamul, marka kee baa saxan? waanu ognahay in reer muqdisho dhimasho ka xigaan dowlad-goboleed jubaland oo curta.
waad mahadsantahay cadaaye
Runta hadaankuusheego, aragtidaydu waa dadka daganaada juba dagan inay katashadaan aayahooda iyogoo kaashanaya wixii waxlaqabankara. Midakale waxaa ogaataa in meesha marwalba maslaxad ku jirto. Yaa kuu soo dhaqaajinaya 50,000 Gaas ciidan. Ma ogtahay inta kubaxda maalinwalba. Marwalba waa soo dhawaynayaa taageerada dowladaha IGAD, waxaad kaloo ogataa in Uganda iyo Burundi aysan dad Soomali ahayn. Gunaanadkaygu waa guul u soo hooyatay Soomalia oo dhan khaasatan gobolka jubada hoose wiliba inay sii socoto ayaa loobaahanyay in lagaarsiiyo gobolada dalka oo dhan, ogow ninkan cusub awoodiisu muuqdisho ma’dhaafsana.
runta marka aan ka hadalno gobolada jubbooyinka iyo gedo maamul u sameyntooda waxaa leh dadka deegaanka ah xamar ma laha kenyana iskaba daa warkeeda laakiin yaa daacad ka ah in mashaakilka deegaanadan xal loo helo.nimankaas xamar jooga fikirkooda way hadleen balse xisaab, caqli iyo nadaamka dowlaga ah maysan ku salaynin aragtidooda.waxaa marag ma doonta ah in dhibaatada jubooyinka iyo geda ka jirta laga soo abaabulo xamar iyo inta ka shisheysa.dowlada waxaa waajib ku ah inay cahdiga qaranka ilaaliso, oo ay iska deyso hadalada aan sharciga waafaqsaneyn.haddii kale waxaa dhici kara in dhibaatada hada jirta mid ka xun ay keeni karto hadalada cilmiga iyo caqliga toona aan ku dhisnayn ee xamar ka burqanaya.
waxan filayaa in dadka badankiisu xaqiiqda soo fahmayo hadda. Waxan leeyahay dadka Jubooyinka & Gedo maamul ha samaystaano. Madaxwaynaha hadday Rabaan ha qaataan Reer Gedo. Waaayo? Xamar oo ilaa maantadan lagu Kufsanayo Gabdho aan qaandhinwaxba yaan laga sugin . Hadday taas diidaan walalaheena gedo Faraha halaga qaado oo jubooyinka maamul aan u samaysano. Beena yaan la isu sheegin dadka Deegaanka jubooyinku haddii colaad & weerar lagu soo qaado hadda. Xaalku sidii hore oo kale maaha. Waxay awood uleeyihiin inay isdifaacaan, oo waliba gobolo kale siiqabsadaan. Marka dawlad kusheegtan abaabulaysa Qabiilka ha ka fiirsato ayaan leeyahay. Lama diidana dawlad lkn . Waa inay noqotaa mid u siman dadka & dalkaba . Haddii kale Xamar umbay fadhiid ku ahaan waligeed.
Madaxweynaha, maweeyan afkiisa iyo dhagahiisu is maqal ? Inuu yiraahdo Hiiraan dadka degen waa inay heshiiyaan ooy maamul u samaystaan, Jubooyinkana xamar baa maamul loogagasoo magacaabaya waa qurun iyo qabyaalad. Jaale madaxweyne labada Jubbo iyo Gedo waa layaqaan reeraha dega, ayaagaana u tashan oo maamul u samaysan sida dastuurka Federalkaba ku cad ee aayar caga dhigo. Dhismaha Jubbaland waxay u taal beelweynta Daarood (Harti Mareexaan iyo Absame) iyo reeraha kale ee dega deegankaa sida; Garre, Cawramaleh, Gaaljecel, Sheeqaal, iyo Baajuun . Waana muqadas in maamulka Jubbaland dhidibada loo taagaa Insha allah