Home » Meher-Aroos, News »

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo la kulmay dhigiisa dalka Uganda

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah Magaaladda Kampala ee dalka Uganda kula yeeshay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musevani.

Madaxweyne Musevani ayaa ugu hanbalyeeyay Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ku guulaysashadii doorashadii dhawaan ka dhacday Magaaladda Muqdisho, waxaa uuna sheegay in Soomaaliya ay u baahnayd isbadal isagana uu aad ugu faraxsan yahay in la doorto madaxweyne wax ka badali kara xaaladda Soomaaliya.

Xasan Sh. Maxamuud, Madaxeynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa Uganda uga mahad celiyay garab istaagidda shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Waxyaabaha kale ee ay labada mas’uul ka wada hadleen waxaa ka mid ah xariirka labada wadan iyo sidii loo balaarin lahaa howl galka Amisom ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Waa wadahadlkii ugu horeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya uu la yeesho Madaxweyne isagoo ku sugan meel ka baxsan dalka, waxaana inta uu ku sugan yahay Kampala uu la kulmi doonaa Madaxwyenayaasha wadamada Kenya iyo Masar.

Allgedo, Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.