Home » News »

Xiisado Dagaal oo ka jira Magaaladda Buur-hakaba iyo Shabaab oo dib ugu soo laabtay

Wararka ka imaanaya Magaaladda Buur-hakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaas ay ka soconayaan abaabulo dagaal oo udhaxeeya ciidamada dowlada Soomaalia iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Shabaab.

Al-Shabaab oo xili hore oo shalay ah isaga baxay Magaaladda ayaa dib ugu soo laabtay xalay iyagoo sameeyay howlgalo balaaran.

Saraakiil katirsan Kooxda Shabaab ayaa meel fagaaro ah kala hadlay dadka Magaaladda iyagoo sidoo kale khudbooyin ka jeediyay masaajida Buur-hakaba.

Waxaa ay balan qaadeen in ay la dagaalami doonaan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ee Magaaladaas kusii dhawaanaya.

Dhanka kale Taliyaha guutada lixaad ee Ciidamada xooga dalka Jen. Ibraahim Yarow ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay saacadaha soo aadan ay gaaraan Magaalada Buur-hakaba Shabaab-na ay ka saari doonaan halkaas.

Dadka Magaaladda ayaa dareemaya cabsi xooggan maadaama ay Shabaab sheegeen in ay magaaladda ku dagaalami doonaan.

AllGedo, Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Xiisado Dagaal oo ka jira Magaaladda Buur-hakaba iyo Shabaab oo dib ugu soo laabtay "

  1. Xoogaga Shabaab ayaa sidaan si ula mid ah xalay uga baxay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay soo dhoobteen duleedka Degmada Buur Hakaba.