Home » News »

Kenya oo sheegtay in askar badan iyo diyaarado dagaal ay ku waayeen qabashadii Kismaayo

Dowlada dalka Kenya ayaa faah faahin ka bixisay qasaraaha kasoo gaaray howlgalkii ay ciidamadooda iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay kula wareegeen Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Yuusuf Xaaji Wasiirka gaashaandhiga Kenya waxaa uu sheegay in ciidamo badan ay kaga dhinteen dagaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay udireen ciidamo gaaraya 3 kun oo askari kuwaas oo ku qalabaysnaa hub badan sidoo kalana diyaaradaha dagaal ee Kenya iyo maraakiibta ayaa ka qeyb qaadanayay duulaankii Jubada Hoose.

22 kamid ah ciidamadooda ayuu sheegay in ay ku geeriyoodeen Howlgalada ay ka wadaan gudaha Soomaalia, sidoo kale waxaa uu qiray in mid kamid ah diyaaradaha dagaal ee Kenya lagu soo riday dagaalka.

Hadalka kasoo baxay Wasaarada Difaaca Kenya ayaa kusoo aadaya xili 3 maalin ay ka harsan tahay xiligii ay ciidamada Kenya sida rasmiga ah gudaha ugu galeen Soomaalia.

Hadafkoodii ugu weynaa ayaa ahaa in ay gudaha ugalaan Magaaladda DEKADA leh ee Kismaayo.

AOL Nairobi Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Kenya oo sheegtay in askar badan iyo diyaarado dagaal ay ku waayeen qabashadii Kismaayo "

  1. garaad yusuf says:

    asc waxay ila tahay in yusuf xaaji uusan ilaahay kabaqin ee waxa uu ka baqayaa ama ilaashanayaa jagada uu kahayo kenyo maxaayeelay adoontii ku dhamaatay jubada hoose ee lawada ogaa qasaaradii soo gaar tay ayuu kadhigay labaatan bes ah taas oo run ta kafog koleey hadaad qariso iyo hadii kale dan kama lihin laakiin waxaa wanaag san in runta lasheego runtana ale ayaa kugu jecel ee ogoow