Wararka ka imaaanaya Magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas caawa uu ka dhacay qarax xooggan oo uu ku dhintay qofkii aasayay.
Sida ay dad goobjoogayaal ah usheegeen Warbaahinta AOL Wiil dhalinyaro ah ayaa dhintay kadib markii uu la qarxay Bambo uu ku aasayay meel wado ah.
“Wiil dhalinyaro ah ayaa waxyaabaha qarxa ku aasayay meel wado ah waxaana halkaas ku dhintay isaga kaliya”ayuu sheegay Maxamed Muumin oo kamid ah dadka deegaanka.
Halkii qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo badan oo katirsan dowlada Soomaaliya kuwaas oo wada howlgalo kale oo lagu baadi goobayo kooxo falal kuwaas lamid ah gaysta, sidoo kale waxaa halkii qaraxa uu ka dhacay wali yaala meydka wiilkii dhintay.
Qaraxyada noocaan oo kala ah ayaa ku badan gudaha dalka, iyadoona ay jiraan dad badan oo ku dhintay qaraxyadii ay dad kale uwadeen.
AOL Muqdisho

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.