Home » News »

Shirkii Golaha Wasiirada maanta oo Looga Hadlay Arimo Muhiim ah.

Muqdisho, Somalia (AOL) - Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin guulihii ay gaareen Ciidanka Qaranka, warbixino laga dhagaystay Gudigii Gurmadka ee daadadkii ka dhacay Baladweyn, iyo sidii wasiiradu isugu diyaarin lahaayeen inay sameeyaan xil-wareejin.

Ugu horayntii, wasiirka Gashaandhiga ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa ka warbixyey guulaha ciidamada Qaranka iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen, waxaana uu sheegay in ay ciidamadu la wareegeen Garoonka Ciidanka Cirka ee Balidoogle, sidoo kale ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo si loo furo wadada isku xirta  Muqdisho iyo Baydhabo, Wasiirku wuxuu intaa ku daray in maleeshiyaad badan oo ka tirsan Alqaacidada Soomaaliya ay isa soo dhibeen qaar kalana dowladu kula jirto wada hadal sidii ay hubka isaga dhigi lahaayeen.

Sidoo kale, wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka warbixiyey howlaha Gargaarka ee Baladweyne wuxuuna sheegay wasiirku in xaalada hada ay dagan tahay mucaawinooyin kala duwana lagaarsiiyey kuwo kalana lagu talo jiro sidii loo gaarsiin lahaa, balse wasiirku wuxuu ka digay inay dhici karto khatar dhanka caafimaadka ah madaama xoolo faro badan oo ku dhintay fataahada wabiga ay daadsan yihiin daafaha magaalada iyadoo dadkuna iminka bilaabeen inay magaalada dib ugu noqdaan kadib markii ay yaraadeen biyihii ku soo fatahay Magaalada.

Ugu danbayntii, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ku booriyey wasiirada inay diyaariyaan habkii ay u samayn lahaayeen xilwareejin dhamaystiran iyadoo la wareejinayo gawaarida, qalabka xafiisyada, mashaariicda gacanta lagu hayo iyo kuwo heshiiskooda la galay iyo dhamaan dukumentiyada dowlada. Waxaana la filayaa ina xil wareejintaani ay dhacdo dhawaan madaama la magacabay Ra’iisul wasaare cusub lana filayo inuu soo dhiso Golihiisa wasiirada.
———-
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.