Home » News »

Maamulka Ximan & Xeeb iyo Galmudug oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaal xooggan oo ka dhacay Hobyo

Maamuladda Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug State ayaa shalay ku dagaalamay degmada Dekada leh ee Hobyo iyadoona  dagaalkaasna ay siyaabo kala duwan uga haleen labada maanul.

Madaxweynaha maamulka Galmudug State Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in dagaalkaas uu dhacay shalay kadib markii ciidamo uu isaga hogaaminayay ay weerar ku qaadeen Ciidamo kale oo kusugnaa dekadda Magaaladda kuwaas oo uu ku sheegay Burcad badeed.

Waxaa u tilmaamay in ay la socdeen Kormeerayaal Ajaanib ah kuwaas oo doonayay in ay kormeeraan dekadda Magaaladda si loo dayactiro, hase ahaatee weerar ayay kala kulmeen ciidamo katirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Xagafey ayaa isaga dhankiisa saxaafada usheegay in Ciidamo uu wato Cabdi Qeybdiid ay doonayeen in ay la wareegaan Dekada Hobyo hase ahaatee ay ka hortageen.

“Dekada ayaa la keenay dad ajaanib ah in ay furaan oo la dayactiro ayaa la rabay, taasna ka maamul ahaan ma ogolaan doono waana mida keentay inaan weerarka ku qaadno’ayuu sheegay Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda labada Maamul ayaa isku dayay in ay xal rasmi ah ka gaaraan xaaladda cusub ee haatan ka taagan Magaaladda Hobyo, iyadoona ciidamadii uu watay Cabdi Qeybdiid ay dhinac magaaladda kaga baxeen.

AOL Gaalkacyo Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.