Home » News »

Qarax Qasaaro gaystay oo ka dhacay Magaaladda Baydhabo iyo Howlgalo soconaya

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaas uu maanta ka dhacay qarax xooggan oo qasaaro gaystay.

Qaraxan ayaa waxaa bartamaha Magaaladda lagula eegtay ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo Roondo ku marayay gudaha Magaaladda.

Goob jooge ayaa AOL usheegay in qaraxa uu ahaa Bambo nooca gacanta laga tuuro ah, waxaana la arkayay dhimasho iyo dhaawac ciidamada dowlada kasoo gaaray qaraxaas.

Howlgalo xooggan ayay haatan ciidamada dowlada ka wadaan bartamaha magaaladda ee qaraxa lagula eegtray iyadoona dadka ay bilaabeen in ay isaga tagaan halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana ay ka cabsanayaan inay saamayn ku yeeshaan howlgalada ay wadaan ciidamada dowlada.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.