Home » News »

War Deg Deg ah: Qaraxyo caawa kadhacay Xafada Islii ee Magaaladda Nairobi

Qaraxyo xoogan ayaa caawa ruxay xaafada Islii ee Magaaladda Nairobi iyadoona qaraxyadaas ay qasaaro gaysteen.

Goob jooge ayaa AOL usheegay in qarax bambo ah lagu weeraray baar kuyaal xaafada Juja Road oo kuyaal Islii.

Qaraxaas ayaanan gaysan wax qasaaro ah, waxaana goobta gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka Kenya.

Markii ay ciidamada goobta gaareen ayaa waxaa hadana la maqlay qarax xoogan oo lala eegtay ciidamadii howlgalka sameynayay.

Ilaa sedex askari ayaa lasoo sheegayaa in dhaawac uu kasoo gaaray qaraxyadan ka dhacay Xaafada Islii.

Howlgalo balaaran ayaa ka soconaya halka qaraxa uu ka dhacay ee Juja Road iyadoona guryaha la baarayo.

Wararkii soo Kordha kala soco AOL Insha Allah

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.