Home » News »

Xildhibaan ka digay in laga hor yimaado Ra’isul Wasaaraha cusub iyadoo aan la arkin wax qabadkiisa

Xildhibaan katirsan Mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan Ra’isul Wasaaraha dowalda Soomaaliya Dr Saacad Faarax la horgeyn doono Xildhibaanada barlamaanka.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada uu ka horjeedin doono waxa uu qabanayo hadii la ansixiyo kadibna ay xildhibaanada ucodeyn doonaan in xilkaas loo yeelay ama loo diiday.

Xildhibaan Mahad Salad oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay in ay si wanaagsan udhagaystaan Khudbada ra’isul Wasaaraha kadibna ay ugu codeyaan waxa uu soo bandhigo.

‘Ma ahan in barlamaanka ay si deg deg ah kaga horyimaadan iyadoo aan la arkin waxqabadka Ra’isul Wasaaraha, waa in la dhagaystaa Khudbadiisa kadibna wax qabadkiisa lagu doortaa”ayuu sheegay Mudanahan katirsan barlamaanka Soomaaliya.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xili ay soconayaan wadatashiyadii ugu danbeeyay ee barlamaanka lagu horgeynayo Ra’isul Wasaare Dr Saacid.

AOL Muqdisho office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Xildhibaan ka digay in laga hor yimaado Ra’isul Wasaaraha cusub iyadoo aan la arkin wax qabadkiisa "

  1. waxay aniga ila tahay inuu xildhibaaka si wacan uga hadlay waxa looga baahan yahay xil dhibaanada waxaase,waxay anigu ila tahay inuu madaxweynaha uusan soo xulin nin aan uqalimin xikaa dr.saacid waxay ila tahay xikaa inuu kasoo bixi karo xidhibaanaduna ay wax laqabtaan madax weynaha iyo reyzalwasaaraha si ay soomaaliya kaga baxshaan mixnada ku habsatay sida qabiil qabiil iyo faqri aqoon dari dilka oo caadi ka ah soomaaliyo iyo waliba sidii wax looga qaban lahaa musuq maasuqa