Mudane katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa kahadlay xaalada goboladda Jubooyinka iyo qaabkii loogu samayn lahaa Maamul loo dhan yahay.
Xildhibaan Maxamed Cismaan Dhuubow oo kasoo jeeda goboladda Jubooyinka ayaa isagoo kusugan Magaaladda Muqdisho waxaa uu sheegay in magaaladda Kismaayo ay tahay magaalo weyn oo istiraatiiji ah taaasna ay keentay in ay dad badan kahadlaan.
Waxaa uu si gaar ah ula hadlay Waxgaradka kasoo jeeda Jubooyinka gaar ahaan Kismaayo isagoo sheegay in shacabka la dajiyo lana sameeyo waxkasta oo ay raali ka yihiin.
‘Waxaan ugu baaqayaa dadka waxgaradka ah in ay si gaar ah ula socdaan xaalada magaaladda oo ay ka shaqeeyaan sidii dadka loo dajin lahaa’ayuu sheegay Xildhibaankan.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Kismaayo iyo guud ahaan Jubooyinka loo samayn doono Maamul loo dhan yahay oo shacabka ay raali ka yihiin.
Xildhibaan Maxamed Cismaan Dhuubow ayaa dhanka kale tilmaamay in amaanka Magaaladda ay sugi doonaan ciidamo hoostaga dowlada oo ka imaanaya shacabka.
Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xili Kismaayo ay noqotay meel ay wax badan iska weydiiyaan shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Amisom.
AOL Muqdisho

kismaayo waa taas oo maamul ayaaba loo sameeyey oo ragii xoraystay ayaa maamul udhisay cid maqana loo joojin maayo ee adigu baarlamaan wixii lagaa sugayey kasoo bax ama cidii lacag ku siisa u codee dalka iyo dadka dan kama lihide , kismaayo hadba ninkii xoog ku qabsada ayaa maamuli jirey . soomaalina waa tii hore ,
s/calaykum dhamaantiin
hadalka xildhibaanku wuxuu u muuqdaa mid lid ku ah hawlaha amisom iyo shirka nayroobi ka socda. waxaa is waydiin ah xildhibaanku ma awood amison iyo unisom ka baxsan oo maamul usamaynkarta jubooyinka iyo gedo miyuu ogyahay?.
Marka hore Salaan dhamaan bahda All Gedo Online. Waxaan rabaa inaan ka hadlo hadalka xildhibaanka, mudanaha waxba ma,uusan halaynin marka dhinaca fiican laga eego hadalkiisa, balse waxaan xusuusinayaa in Gobolka Gedo uusan wali xor ahayn, dadka la sugayo inay wax ka qabtaana uu isaga ka midyahay. Kismaayo waxaa ka xoreeyay cadowgii isku jiray dadkii ku abtirsanayay deegaanka Jubada Hoose, ama haku dhasho, ama abtirsiimo Godey iyo Qbri Dahare ha oga yimaadee, Kismaayo waxay caasimad u tahay degmooyinka ku teedsan, sida Afmadoow, Badhaahe, Xagar iyo Jamaame. Waxaa fiican indhahaaga inay hoostaada eegaan ee ayan kor eegin, waxaan sidaa u leeyahay, shacabkii reer Gadoodka ahaa iyo kuwii ay isku heybta ahaayeen ee GalGaduud, waxaa 10 kii sano ee lasoo dhaafay askareeyay kadibna ku shaqeystay Beelihii riday Dowladii Soomaaliyeed ee muxtarimka ahayd, kadibna intay GalGaduud ka qaateen doonayay inay Kismaayo u isticmaalaan ayagoo hadafkoodu yahay inay iska hor keenaan beelaha kale oo walaalahood ah. Waxaad mudane ogaataa in Cumar Geelaha Jabuuti, Aragti ????? Xamar, Ina Aweys iyo odeyga Iidoorba inay heshiis ku yihiin sidii aad minority oga ahaan lahayd Mansabka siyaasadeed ee dalka, ee waxba Kismaayo ha ku mashquulinee wiilasha nooga soo reeb Ina Aweys Gedona u dadee. Xog Ogaalna waxaan u sheegayaa Kismaayo lama qabsane raggii lahaa baa kuwii qabsaday ka saaray waana walaalahaa ee ogoow.
”Canduuro dhawdhawdu uma dhaadhicin” Xildhibaanka hadalkiisu wuxuu umuuqdaa mid aan ka turjumaynin xaqiiada maanta jirta. Marka xlidhibaan haddii fakirkaaga tahayna waad geftay, haddii dowladu dheh ku tidhina war laqabo xiiso ma leh. Xaggee jirteen hadda kahor ?
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
sxb run weye sxb