Home » News »

Al-Shabaab oo caawa baneeyay qeybo kamid ah gobolka Sh/Hoose iyo Ciidamada Huwanta oo la wareegay

Wararka ka imaanaya qeybo kamid ah gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in caawa ay isaga baxeen Xoogagii Shabaab ee ka talinayay.

Dadka deegaanka ayaa goor hore oo galabta ah inoo sheegay in ciidamadii Shabaab ay isaga baxeen magaaladda Yaaqbari weyne iyadoo aysan jirin wax dagaal ah oo dhacay.

Waxyar kadib ayaa magaaladda Yaaqbari weyne waxaa gaaray ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Amisom oo markii hore kusugnaa degmada Walaweyn.

Xaalada degaankas ayaa haatan degan, waxaana howlgalo balaaran ka wada ciidamada qabsaday ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Al-Shabaab ayaa hada ka jooga Sh/Hoose kaliya degmada xeebta leh ee Baraawe, waxaana saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Amisom ay sheegeen in dhawaan ay gaari doonaan.

AOL Muqdisho

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.