Home » News »

Banaanbax lagu Taageerayay Ra’isalwasaaraha Cusub oo ka dhacay Magaalada Garbahaarey iyo Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo

Banaanbaxyo lagu taageerayay Ra’isalwasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr.Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)ayaa maanta waxaa ay ka kala dhaceen degmooyinka Garbahaarey, Luuq, Dolow, Ceelwaaq iyo Baladxaawo, iyadoo dadweynmahii banaanbaxayeyna ay la kala hadleen Mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulada Gobolka Gedo iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka.

Banaanbaxani taageerada ah oo kii ugu balaarnaa ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka qeyb qaatey Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jireen Haweenka iyo ardayda wax ka barta dugsiyada Waxbarashada ayaa socod ku maray gudaha degmadaas, iyagoo sitay boorar iyo sawirada madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, kuna dhawaaqayay erayo ay kusoo dhaweynayaan isbedelka dhinaca hogaanka ah ee ka dhacay dalka.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Gedo, Culama’udiinka Ehlu suna, xubno ka socday Odoyaasha dhaqanka iyo Haweenka oo hadalo ka jeediyay dibadbaxa ayaa sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay inay gacan siiso shacabka ku nool Gobolka Gedo oo dhibaatooyin badan soo maray sannadihii ugu dambeeyay, iyagoo sidoo kalena sheegay Dowlada cusub in looga fadhiyo in ay daryeesho ciidamada dowlada ee ka howl-gala Gobolka.

Guddoomiyaha Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo isaguna ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in Qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo ay aad ula dhacsan yihiin isbedelka dhacay ayna farxadda la qabaan dhammaan Shacabka ee Soomaaliyeed, ayna rajeynayaan in Madaxweynaha cusub dalka uu u horseedo Nabad iyo Horomar.

Ugu dambeyn Mas’uuliyiintii iyo Waxgaradkii ka hadlay Banaanbaxa Taageerada ah ayaa waxay dowlada cusub kula taliyeen Xukuumada Cusub ee uu dhisi doono Raisalwasaaraha inay la timaado Nidaam dowladeed oo wax ka qabta sidii loo soo celin lahaa sharaftii iyo karaamadii dalka uu lahaan jirey.

———–
A. Ibrahin, Gedo/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Banaanbax lagu Taageerayay Ra’isalwasaaraha Cusub oo ka dhacay Magaalada Garbahaarey iyo Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo "

  1. A.A.Xade says:

    War reer Gedoow, miro doowladeed weligiin maadan gurane maad buuqa joojisaan oo aad wax hubsataan, ninkani wuxuu noqon doono ma ogidiine?

    Doowlad waxaa idinku dhowaa kacaankii isna wuxuu idinku sheegtaa, Buundada Baardheere ee liiqliiqata iyo tan Buurdhuubo, tanina waad aragteen in uu Madaxweeynaheediiba Baydhawa ka noqday oo uu ma barideen idin dhihin idinkoo shabaab hortood ka xuroobaye. Mase ninkani waa qabiilkeena ayaa idin qancisay?!