Home » News »

DHAGA BADAN: Howlgalkeena kuma ekaan doona Kismaayo

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen. C/Kariim Dhaga badan ayaa ku hanjabay in ay Al-Shabaab ka saari doonaan dhamaan goboladda dalka.

Isagoo saxaafada kula hadlayay degmada Walaweyn ee gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay in Shabaab ay ka saaraan degmooyinka hada ay ku xoogan yihiin ee kuyaal Jubooyinka, Labada Shabelle, Bay, Bakool Gedo iyo bartamaha Soomaaliya.

“Howlgalkeena kuma ekaan doono Kismaayo waan socon doonaa ilaa aan Shabaab ka saarno dhamaan dhulka”ayuu yiri Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin abaal marin maadaama ay dalka ka xoreeyeen Shabaab oo uu ku sheegay kooxo nabad diid ah.

Ciidamada dowlada ayaa kusii soconaya magaalooyin waa weyn oo kuyaal goboladda dalka.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.