Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay kulan balaaran oo looga hadlay xaaladda amaan ee Magaaladda iyo guud ahaan Jubooyinka.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa saraakiisha dowlada iyo kuwa Raaskambooni ee dhawaan wax ka qabtay magaaladaas Kismaayo.
Markii kulanka uu soo dhamaaday ayaa waxyaabihii looga hadlay waxaa saxaafada uga warbixiyay Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee Kismaayo ku sugan.
Gen. Ismaaaciil Saxardiid ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlay amaanka Magaaladda.
“Amaanka waxaa uu inoo yahay ahmiyada koobaad waxaana ka hadalnay amaanka, waxaana isla garanay in si wadajir ah amaanka loo sugo” ayuu yiri Saxardiid.
Magaalada ayaa waxaa dhawaan looga dhawaaqay Maamul KMG ah oo mudo bil ah ka shaqeyn doona xaaladda Kismaayo.
Xubnaha Maamulkaas oo ka kooban 12 ruux ayaa waxaa ay qaban doonaan shaqooyinka muhiimka ah waxaana dadka la magacaabay ka mid ah:
Gen. Ismaaaciil Saxardiid oo loo Magacaabay Gudoomiyaha Gudiga Amniga, Muuse Gaab oo isna loo magacaabay Gudoomiyaha Gudiga maaliyada.
Sidoo kale, Xaaadhuun oo isna loo magacaabay Gudoomiye Ku xigeenka ahna Maareeyaha Dekada.
Cabdi Naasir Seeraar oo Isna loo Magacaabay Gudoomiyaha Arimaha Bulshada.
Aw Yuusuf oo isna loo magacaabay Gudoomiyaha Arimaha samafalka.
Macalin Xaashi isna waxaa loo magacaabay Ku xigeenka Arimaha Samafalka.
Gudoomiyaha garsoorka, Xujaale Ku xigeenkiisana Axmed Carab.
AOL Kismaayo Office

Wuxu ma wada ogaadeen baa mise dad kale aya ku jira
axmed madoobe=ogaden
gen.saxardiid=ogaden
seeraar=ogaden
sidee wax u jiraan?
maxeey ku dhacday in jabhada raaskaambooni ee iska maamushaan magaala xeebeedka kismaayo, iskuna koobaan intii jago eheed?
cidkale boos ugama banaana
Beesha Harti ee Jubbooyinka waxaa ay heleen (Major Kismayo iyo District Commissioner) 2. Beesha Harti waxaa kaloo ay heleen Maamulka Maaliyadda iyo Maareynta Dekedda Kismaayo(KismayoPort Authority Manager) Col.Muse Gaab oo u dhashey degaanka ahna Beesha Harti-Majerteen-Cumar maxamuud oo reer Joraa ah….
Ku: Axmed tooso.
Sidee wax u jiraa? Gudi 12 nin ah inaad 3 Ogaadeen ah ka dhex aragtid?
Kuwo kale inaad sheegi wayday siday ku dhacday?
Adigaaba lagu haystaa sidaad dadka u kala saaraysid e.