Home » Faallo, News »

Magaalada Muqdisho oo ka bogsaneysa Dhaawacyadii soo gaaray 22-dii sano ee lasoo dhaafay

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somalia ayaa Saddaxdii sano ee ugu danbeysay ka bogsaneysay Colaadihii dhaliyay Bur-burka waxaana iminka dabiibaya Dowladaha Caalamka oo dib usoo hagaajinaaya Bilicda Magaalada Muqdisho haba ugu horeysee Dowladda Turkiga oo abaal u gashay dalka iyo dadka soomaaliyeed

Magaalada Muqdisho ku dhawaad 22-Sanno waxaa la dagay Colaad aan la tilmaami karin halka ay salka ku haysay balse caalamka iyo bulshada waxa ay sabab uga dhigeen Colaadaasi inay ahayd mid Qabiil ah hayeeshee Muqdisho oo ilmeysay kadib waxaa qiirooday Dowladaha aan dhiiga wadaagno waxa ayna go’aan sadeen inay dhayaan Boogta Colaadeed iyo tan dalka oo ay ugu horeyso dhismaha iyo soo celinta bilicda Magaalada Muqdisho si looga kabsado sii bur-burinta dalka Somalia oo Kheyraadkeeda caalamka uu marqaati ka yahay

Waxaa socda Dhismooyin ay wado Xukuumadda Somalia iyo Dowlado ay kamid tahay Turkiga, waxaana la xoojinaaya dhismaha Magaalada gaar ahaan Xirooyinka Ciidamada iyo Xafiisada Xukuumada ay uga talin lahayd dalka iyo dadka

Bilicda Magaalada Muqdisho oo iminka kor usii kacayso ayaa waxaa la cajiibay Dowladaha dariska la’ah Somalia oo iyagu aan maleysaneynin in Somalia ay ka dhalan karto Dowlad dib usoo celin karta dhismaha iyo kala danbeynta Hayeeshe waxaa soo ifbaxeysa in Magaalada Muqdisho ay hogaamin doonto Caasimadaha Africa kuwooda loo soo daawasho tago Mustaqbalka dhaw waxaana tusaale kaga filan markaad eegto Muuqaalka xiligaani ee Magaalada Muqdisho hadii ay ahan lahayd dhismaha,nidaamka ciidamada,wadooyinka oo loo sameeyay ciidamo gaar ah, gaadiidka oo u hogaansamay amarka ciidamada muruurka, iyo waliba shacabka oo iska tir-tiray waxa loogu yeero ‘’Qabyaalada’’

Muqdisho waxa ay u yeereysaa Muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku dhaqan daafaha caalamka waxa ayna leedaha muqdisho ‘’waxan heystaa amaan lagu kalsoon yahay,waxaa xiligaani iga taliya dowlad caadil ah,balse waxan u baahanahay muwaadiniinta iga safray oo aan doonayo inay imaal-gishtaan si aan uga kabsado dhibaatooyinka la iigeestay Barasamaadkii markii ay dhacday xukuumaddii dhexe ee Siyaad bare’’ sidaa waxaa dhahaaya Magaalada Muqdisho oo muwaadiniinta ka codsaneysa inay dalka kusoo laabtan.

Si doo kale Muqdisho waxa ay leedahay ‘’waxaa leyga sameeyay Leerar waaweeyn oo daliil u ah in dowlad ay jirto, waxaa iisoo daawasho taga shacab isugu jira Galbeed,afrikan iyo carab, oo bilicdeyda usoo daawasha tagaaya balse waxan tawanaaya kumanaan muwaadiniin ah oo caalamka iiga dhibaateysan ‘’ Muqdisho oo hadleysa

Ugu danbeyntii Magaalada Muqdisho afka ayee kala furatay waxa ayna gacanta u haatineysaa Muwaadiniintii ka barakacay inta uu socday dagaalada balse iminka waxa ay leedahay Muqdisho kalsooni ayaa leygu qabaa ee dhaqaale hala I gishto si aan mustaqbalka dhow aan idiin anfaco

Waxaa soo diray  Wariye Anwar Bakhiit
Khartoum – Sudan
Email: wararka@live.se

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.