Xili dhawaan la filayo in xildhibaanada uu hortag Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hada waxaa la helayaa war ah in la diyaariyay inta badan xubnihii xukumada cusub.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaare Dr Saacid uu diyaariyay ilaa 16 Wasiir oo kamid noqonaya xukumadiisa cusub ee dhawaan la filayay.
Xubnaha Wasiirada ah ee diyaarsan ayaa kusugan Magaaladda Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in inta badan Wasiiradan cusub ay ka kala yimaadeen Xisbiyada Ra’isul Wasaaraha cusub, Madaxweyne Xasan Sheekh, Gudoomiyaha barlamaanka iyadoo sidoo kale ay mudanayaal ku leeyihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaarihii hore Dr Maxamed C/lahi Farmaajo.
Wasaaradaha diyaarsan ayaa waxaa lasheegay in ay yihiin kuwii ugu muhiimsanaa waxaana ay kala yihiin:
Ra’isul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda.
Ra’isul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arimaha Maaliyadda.
Ra’isul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Gaashaandhiga.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka
Wasiirka Arimaha Ganacsiga
Wasiirka qorsheynta iyo Xariirka caalamiga ah
Wasiirka Arimaha Caafimaadka
Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasiirka Arimaha Waxbarashada.
Wasiirka Kheyraadka iyo Badda.
Wasiirka Dib uheshiisiinta Arimaha goboladda
Wasiirka Dhalinyarada, Shaqada iyo Shaqaalaha
Waxaa jira wasaarado kale oo aan wali magacyadooda helin kuwaas oo ku jira xukumada Dr Saacid ee la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo.
Xildhibaan katirsan mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa inoogu xogwaramay in inta badan xubnaha xukumada cusub ay noqon doonaan kuwa ku cusub siyaasada Soomaaliya.
Waxaa ay noqon doontaa ilaa 20-ka Bishan marka Barlamaanka la horgeyn doono Xukumada lasoo dhisay iyo Ra’isul Wasaaraha lasoo magacaabay
By Abdullahi Ahmed Nor
Email: cabkayare@gmail.com

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.