Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ay ka soconayaan halkaas qaban qaabo dagaal oo ku wajahan deegaano katirsan gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen Saraakiil katirsan ciidamada dowlada ee Kismaayo kusugan waxaa ay ciidamada udhaqaaqeen dhanka degmada Jilib oo ay kusugan yihiin Shabaab.
“ciidamo ayaa maanta ka baxay Kismaayo waxaana ay kusii jeedeen deegaanka Goobo, sidoo waxaa ay aadeen dhanka degmada Jilib’ayuu sheegay Mowliid Faarax oo katirsan dadka deegaanka Magaaladda.
Magaaladda Jilib ayaa waxaa laga dareemayaa cabsi dagaal, iyadoona Shabaab-ka magaaladda kusugan ay dadka ku wargeliyeen in ay dagaalami doonaan.
Deegaano aan badnayn ayay Shabaab haatan kaga sugan yihiin gobolka Jubada Hoose ee Koofurta Soomaaliya.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.