Ciidamada nabad sugida dowlada Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay amaanka degmada Walaweyn ee gobolka Sh/Hoose.
Waxaa Maanta Magaaladaas gaaray ciidamo iyo Saraakiil katirsan dowlada iyo kuwa Amisom kuwaas oo goob joog u ahaa in ciidamada nabad sugida lagu wareejiyo sugida amaanka Walaweyn.
Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Amisom ay dhibaato badan usoo mareen in Al-Shabaab laga saaro degmooyinka goboladda dalka lana doonayo in la sugo amaanka.
“Waxaan ubaahanahay in nabad sugida iyo booliska ay wax badan ka qabtaan amaanka magaaladda sugaan, lagana hortago nabad diidka amaan xumada sameeya”ayuu sheegay Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan).
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska ay xaqiijin doonaan sidii magaaladda amaankeeda loo sugi lahaa.
Saraakiil kale oo nabad sugida katirsan ayaa iyagana kahadlay kulanka ka dhacay WALAWEYN ee looga hadlayay amaanka magaaladaas.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.