Home » News »

Dil ka dhacay Magaaladda Kismaayo iyo Howlgalo soconaya

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu xalay ka dhacay dil loo gaystay mid kamid ah culumadda Magaaladda.

Rag ku hubaysan Aalada Bastoolada ayaa si bareer ah toogasho ugu gaystay Mu’adamin mid kamid ah masaajida Kismaayo.

Dad kusugan Kismaayo ayaa Warbaahinta AOL usheegay in Marxuumka ladilay uu kasoo baxay masjidka kadibna ay toogteen dad wajiga soo duubtay oo isla goobtaas ka baxsaday.

Ciidamada Raaskambooni iyo kuwa dowlada oo gaaray halka dilka u ka dhacay ayaa wada howlgalo ay ku baadi goobayaan cidii dilkaas ka danbaysay.

Dilalka noocaan oo kala ah ayaa aan looga baran magaaladda, inkastoo ay jireen falal amaan xumo oo kale, lamana oga sababta loo dilay Ninkaas Mu’adamka ahaa.

AOL Kismaayo Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Dil ka dhacay Magaaladda Kismaayo iyo Howlgalo soconaya "

  1. Afmado -boy says:

    ilaahay naxariistii janno ha ugu deeqo . Waxan leeyahay dadka shacabka war is shhega oo sheega dadka dadka laynaya waa taqaanaane. Kolleyba la idin deen maayee.