Home » News »

Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo lagu amray in labo maalin uu ku hor yimaado barlamaanka

Kulan ay maanta xildhibaanada barlamaanka yeesheen ayaa waxaa ay kaga hadleen arimo badan oo ku aadan dastuurka Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaarihii dhawaan lasoo magacaabay.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay n Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale Miisaaniyada afarta Sano ee Soo socota.

Xildhibaanada ayaa dhanka kale ka dooday xiliga Ra’isul Wasaare Dr SAACID la horkeenayo Xildhibaanada.

Waxaa ay ka doodeen Arimahaas, iyagoo ugu danbayn mudo labo maalin ah uqabtay in xildhibaanada lagu horkeeno Dr Saacid, Markaas kadibna lasoo dhiso Xukumad hadana barlamaanka la horkeeno.

Ra’isul Wasaaraha cusub ayaa warar ay heshay AOL magacaabay golihiisii Wasiirada waxaana qorshaha uu yahay in hal mar la horgeeyo xildhibaanada.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.