Mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa sakaay kulan xasaasi ah ku leh magaaladda Muqdisho iyadoo ay ka doodayaan qodobo dhowr ah.
Sida ay Warbaahinta AOL usheegeen rag katirsan xildhibaanada cusub, mudanayaasha barlamaanka ayaa saakay ka doodaya qodobo ay kamid yihiin soo dhisitaanka gudi hoosaadyada xildhibaanada.
Mudanayaasha barlamaanka ayaa xarunta kulanka ku xaadiray barqadii saakay iyadoona gudoonka barlamaanka uu kulankaas iclaamiyay xalay.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa usheegay saxaafada in waxa laga doodi doono ay kamid yihiin in loo qeybiyo qoraalo, gudigii xeer hoosaadka loo saaray ay soo gudbiyaan waxyaabaha ay ka soo qabteen howshooda.
Kulanka maanta ayaa imaanaya xili shacabka Soomaaliyeed ay wada sugayaan xiliga uu dhici doono kulanka lagu ansixinayo Ra’isul Wasaare Dr SAACID.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.