Ciidamo badan oo ka socda dowlada dalka Jabuuti ayaa soo gaaray magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamadan ayaa kasoo gudbay xaduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya iyagoo kusoo dagay saldhigyo ay markii hore magaaladda kaga sugnaayeen ciidamo kale oo Jabuutiyaan ah.
Askarta soo gaartay Saacadihii ugu danbeeyay Magaaladda Beledweyne ayaa gaaraya ilaa 300 oo askari “sedex boqol”, waxaana ay qeyb ka yihiin howlgalka Amisom ee ka soconaya Soomaaliya.
Saraakiil katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ee kusugan Beledweyne ayaa Warbaahinta AOL usheegay in ciidamada ay ku hubaysan yihiin taangiyo dagaal iyo qalab kale oo casri ah.
Waxaa ay sugida amaanka Magaaladda kala wareegayaan ciidamo Itoobiyaan ah oo horey ugu sugnaa.
Jabuuti ayaa keentay gudaha dalka gaar ahaan Beledweyne iyo Muqdisho ciidamo gaaraya ilaa hal batalyan.
AOL Beledweyne Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.