Home » Rayi »

Habraaca Kalsooni siinta Dawladda – By Abdulkadir Mohamed Tahlil

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Axaddii 14 October ka dalbaday madaxweynaha in uu laba maalmood gudahood Baarlamaanka ku horkeeno ra’iisul wasaaraha magacaaban, Cabdi Faarax Shirdoon, si uu kalsooni u weydiisto.

Gudoomiyaha baarlamaanku wuxuu madaxweynaha u bidhaamiyey in ay jiraan baahi iyo xaalado dalku ku sugan yahay oo hiil degdeg ah u baahan.

Waxaan jeclaan lahaa in aan labo arrimood wax ka tilmaamo.

Xiriirka Madaxweynaha iyo Xukuumadda 

Dawladaha dimoqraadiga ah (waa kuwa aan kaligi taliska ama dhaxaltooyada ahayn) waxay, guud ahaan, u kala baxaan 3 nooc:

A)  Dowlad madaxweyne. Waa dawlad si toos ah dadku usoo doortay. Waxaa tusaale u ah dawladda Mareykanka. Dadweynaha mareykanka ayaa afartiisanaba mar doorta madaxweynaha, asaguna wuxuu si toos ah u soo xushaa wasiiradiisa, oo shaqadooda bilaaba markii ay helaan ansixinta aqalka odoyaasha mareykanka (US Senate). Waa wasiirada kaliya, ma ahan madaxweynaha waxa u baahan ansixinta. Aqalka odayaasha mareykanku wuxuu hubinayaa oo kaliya in wasiirka madaxweynuhu soo magacaabay uu leeyahay akhlaakh wanaagsan iyo wadaninimo. Guud ahaan, dawladda madaxweynaha waxaa shaqadeeda kula xisaabtama shacabka mareykanka oo afartiisanaba santuuqa doorashada ku abaalmariya (dib u doorta) ama ku inqaaba (cayriya) madaxweynaha.

B)  Dawlad isku dhafan (semi presidential government). Waxaa tusaale u ah dawladda Fransiiska. Dadweynaha Fransiisku waxay si toos ah u doortaan madaxweynaha jamuuriyadda Fransiiska. Waxaa jira oo kale ra’iisalwasaare ka yimaada xisbiga ugu kuraas badan barlamaanka dhexe (Assemblee Nationale). Madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha waxaa ka dhexeeya awooda fulinta (executive power). Siyaasadda arrimaha dibedda iyo gaashaandhiga inta badan madaxweynaha ayaa u gacan badan.

Haddii madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhu ay isku xisbi yihiin si fudud ayey u wada shaqeeyaan maadaama ay isku siyaasad iyo hadaf yihiin. Haddiise ay dhacdo in madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhu asxaab kala duwan ka yimaadaan, waxaa badan iska hor imaadka iyo wada shaqeyn la’aanta (co-habitation government).

C)  Dawlad baarlamaan. Waa dawladda shacabku si toos ah u doorto xubnaha baarlamaanka. Baarlamaanku wuxuu soo doortaa madaxweynaha jamhuuriyadda (haddii aysan boqortooyo dastuuri ah ahayn sida Spain in Ingiriiska oo kale). Madaxweynuhu wuxuu soo xulaa ra’iisalwasaare, la hubo (la saadaalin karo) in uu baarlamaanka kalsooni ka heli doono. Waa nooca dawladdeed ee talyaaniga lugu yaqaano, Somaliyana loo keenay 1960. Dastuurka talyaaniga ee 1948 iyo kii Somalia ee 1960, waxay labaduba tilmaamayaan habraac (procedure) isku mid ah oo ku saabsan magacaabista, dhaarinta, xil lawareegida iyo kalsooni siinta ra’iisalwasaaraha. Ra’iisalwasaaraha magacaaban, wuxuu durbadiiba ku dhaqaaqaa inuu soo diyaarsado xubnihii golihiisa wasiirada ka mid noqon lahaa. Madaxweynaha ayuu ula tagaa liiska wasiirada. Golaha wasiirada oo dhameystiran ayaa iska xaadiriya madaxtooyada halkaas oo ay ku soo dhaartaan. Dhaarta ka bacdi waxay si toos ah ula wareegayaan xilkii dawladda. Madaxweynaha hawshiisa halkaas ayey ku dhamaatay. Ra’iisalwasaaruhu muddo 30 maalmood gudahood ah (10 maalmood talyaaniga) waa inuu baarlamaanka u weydiiyo dawladdiisa iyo barnaamijkiisa kalsooni.

Dastuurkii 1960, kii Ambagati iyo dastuurka saxiixayaasha 2012 midna kuma cayina awood fulin (executive power) gooni u ah madaxweynaha ama uu la wadaago golaha wasiirada. Madaxweynuhu waa astaanta midnimada Qaranka awoodihiisuna waxay ku xusan yihiin qodobka 90aad ee dastuurka KMG.

Habraaca kalsooni siinta Dawladda.

Gudoomiyaha baarlamaanku wuxuu codsaday in ra’iisalwasaaraha macaaban keligiis la horkeeno baarlamaanka si uu kalsooni u weydiisto. Habraaca kalsooni siinta kala horeysa (marka hore wasiirka koowaad, kadibna golaha wasiirada oo dhan) waa arrin ku soo biirtay wakhtigii Ambagathi masraxa siyaasadda Soomaaliya. Waxaa lagu bilaabay Prof Cali Geedi waxayna socotay ilaa magacaabistii Prof Cabdiweli Gas.

Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu sheegay in aysan dastuurka KMG ku qornayn in si wadajir ah kalsooni loo siiyo wasiirka kowaad iyo xubnaha kale ee golaha wasiirada. Waa run. Laakiin waxaa kale oo run ah in aysan dastuurka ku qornayn in wasiirka kowaad keligiis kalsooni weydiisto.

Dhowr qodob oo dastuurka ka mid ah ayaa si toos ah iyo si dadban uga hadlaya kalsooni dalbashada iyo kalsooni siinta dowladda. Dhamaantood waxaad moodaa in ay tilmaamayaan kalsooni wadajir ah. Waa kuwaan hoos ku qoran ee aan wada akhrino:

Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah

Awoodaha golaha shacabka waxaa ka mid ah: Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 (faqradda 2aad, xarafka (d).

Qodobka 100aad. Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha

Awoodaha ra’iisalwasaaraha waxaa kamid ah: Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni (faqradda 1, xarafka (c).

Qodobka 104aad (Dhaarta)

Raisul-Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirradu markay helaan codka kalsoonida inta aysan xilkooda bilaabin, waxa lagu dhaarinayaa kalfadhi gaar ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, waxaana dhaarinaya Gudoomiyaha Maxkamadda sare (faqradda 1aad).

Gudoomiyaha baarlamaanku waa runtiis markuu leeyahay waddanku hiil buu u baahan yahay degdeg ah. Kalsooni wadajir ah, hal mar ah wasiirka koowaad iyo golihiisa wasiirada ha la siiyo, hana loo qabto 30 maalmood oo looga soo bilaabayo maalintii la magacaabay. Kalsoonida labada mar ah wakhtiga ayey sii dheeraynaysaa. Waana macno darro.

————–
Abdulkadir Mohoamed Tahlil
Director of Birmingham Justice and Advocacy Centre

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.