Home » News »

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jarmalka waxaa la ogeysiinayaa in Oct. 27, 2012 la qaban doono xaflad lagu taageerayo dowladda Soomaaliya

Waxaa dhamaan jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jarmalka la ogaysiinayaa in Xaflad balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada soomaaliyeed ee degan Gobalka Hessen ee wadanka Jarmalka la qabanayo maalinta Sabtida ah ee ay Taariikhdu tahay 27.10.2012, waxaan lagu qaban doona Hoolka xafladaha iyo bandhigyada ee magaalada Groß Gerau.

Xafladan oo ka kooban barnaamijyo baalaran oo ay shacabka soomaaliyeed ee degen jarmalku ku muujinayaan taageerida ay u qabaan Dawladooda soomaaliyeed ee rasmiga ah iyo madaxdeeda cusub ee hada la doortay.

Xafladu waxa ay bilaabmaysaa 17:30 galabnimo waxa ayna soconaysaa ilaa iyo 04:00 subaxnimo. Sidaas darteed, waxaa laga codsanayaa dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ee Jarmalka degen inay ka soo qaybgalaan xafladaas lagu taageerayo Dawlada Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo lagu casuumay xaflada xubno ka tirsan xisbiyada siyaasadeed ee gobolkaan Hessen, sida Xisbiga SPD iyo Grüne.

Waqtigaas balaaran ee ay xafladu socoto waxaa la dhamaystiray cabitaanka iyo cunitaanka dadka ka soo qaybgalaya xaflada, ayada oo ay u adeegayaan shaqaale loo carbiyay soo dhawaynta martida.

Inta ay xaflada socotana waxaa dadka martida ah madadaalinaya koox fanaaniin ah oo ay jaaliyadu diyaarisay, kuwaasoo kala ah Raaxeeye, Yaxye Shariif, Axmed Sekaawe iyo Yaxye Axmed Ducaale.

Adereeska hoolku waa sidaan hoos ku qoran:

Odenwaldstr, 1- 3 64521 Groß Gerau- Süd Germany

Wixii Faahfaahin ah waxaad kala xiriiri kartaan dadka hoos ku qoran:

Yuusuf Xassan (Yuusuf Biid), Tel. 491766257939980
Cismaan havana Tel. 4917636797278
Adan Ibraahim (Adan waayeel ), Tel. 4915253024987
Maxamed Kilwo, Tel. 4915211201555
Mano Xusseen Tel. 496150865478
—————
Qoraalkaan waxaa AOL usoo gudbiyay Adan Mohamed, aadan40@hotmail.de

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.