Home » News »

Pro Jawaari: qaab fartaag ah ayaa loogu codeynayaa Ra’isul Wasaaraha

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Pro Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay udhacayso ansixinta Ra’isul Wasaaraha.

Waxaa uu sheegay in si dadka ay uwada jeedaan loo ansixin doono Ra’isul Wasaaraha.

“Qaabka ansixinta Ra’isul Wasaaraha waxaa ay noqon doontaa mid cad oo gacan taag ah maadaama xildhibaanada ay matalayaan shacabka’ayuu yiri Pro Jawaari oo hoosta ka taabtay in doorashada Gudoomiyaha barlamaanka iyo tan madaxweynaha ay yihiin kuwa sida qarsoodiga ah udhaca.

Xildhibaanada barlamaanka ayuu ka dalbaday in ay si anshax ah u ansixiyaan Ra’isul Wasaaraha marka uu beri hor yimaado kalfadhiga barlamaanka.

Dr Saacid Ra’isul Wasaaraha lasoo magacaabay ayaa wada olole uu ku doonayo in xildhibaanada ay u ansixiyaan jagadaas loo magacaabay dhawaan.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Pro Jawaari: qaab fartaag ah ayaa loogu codeynayaa Ra’isul Wasaaraha "

  1. wadani says:

    Sadoow sadka waa idiinku xun yahay halkuu farmaajo waraaq wax ku waayey
    hadii farta la taagaayo sheekada ma fiicno laakiin ha ka walbahaarina kismaayo far taagoow kama jirto anagaa idiin heeyna gacmo furan soo dhawaada