Qaar ka mid ah Ergooyinkii Hogaamiyayaasha dhaqanka Beesha SADE ee ka qeybgaley shirarkii lagu ansaxinayey Dastuurka iyo weliba Xulida xubnaha Baarlamaanka Cusub mudooyinkii ugu dambeeyeyna ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay dib ugu soo laabteen Gobolka Gedo, ka dib markii mudo ka badan ilaa 3 bilood ay ku maqnaayeen dhinaca Magaalada Muqdisho.
Ergooyinkan oo isugu jirey Hogaamiyayaal dhaqan iyo Odoyaal, Waxgarad iyo weliba Haween ka qeybgaley shirarkii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo tiradoodu ay gaareysay ilaa 15 xubnood ayaa barqanimadii maanta waxay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha degmada Luuq, iyadoo halkaasina ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Xubno ka tirsan Maamulka Degmada Luuq, Odoyaasha dhaqanka, Haweenka iyo qeybaha Arimaha Bulshada ee degmada Luuq.
Xubnaha Ergooyinkan oo uu hogaaminayey Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, islamarkaana ay ka mid ahaayeen Suldaan Cabdile Silbey, Sheekh Bulsho, Bishaar Aden Xasan, Ibraahin Khaliif (Gadgadoon) Khaliif Gacaney iyo Xubno kale ayaa hadalo kooban oo ay u jeediyeen Mas’uuliyiintii iyo Odoyaashii soo dhaweeyey ayaa waxay uga warbixiyeen mudadii ay ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho iyo howlaha u qabsooomay oo ay ka mid ahaayeen Ansixinta Dastuurka, Xulida Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka iyo weliba ka qeyb qaadashada Doorashada Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha.
Sidoo kale, Mas’uuliyiintii ka hadashey Kulanka soo dhaweynta oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha degmada Luuq Cabdulaahi Kureedow ayaa Odoyaasha waxay ku amaaneen kaalintii ay ka qaateen howlahii shaqo ee ay u tageen Magaalada Muqdisho, isagoona ugu baaqey Odoyaasha in ay sii laban laabaan dadaalkooda ku aadan u adeegida Bulshada.
———–
Aden Bare Cali, Luuq/Gedo.


Asc waan idin salaamay Allgedo.com salaan kadib waxaan rabaa inaan su,aalo odayaasha dhaqanka gobolka gaddo Beesha Sade ma mareexaan kaliyaa ugaaskase allaah ha,unaxariistee ma wuxuu ugaas u,ahaa mareexaan kaliya mise Beesha Sade oo dhan_ waxaan idinka sugayaa inaad jawaab iga soo siisaan aniga iyo inta ilafakarkaaba fadlan.
———
From: Allgedo Online
Akhriste, Allgedo kama jawaabi karto su’aalahaan qabiilka iyo oday dhaqameedka la xariira. Fadlan isku day in aad weydiiso oday dhaqameedyada iyo dadka arrimaha noocaan oo kale shaqada ku leh. Allgedo shaqadeeda waa soo tabinta wararka ee wax kale ma qabato.
Mahadsanid.