Home » News »

Shirwayne looga tashanayay hogaanka dhaqanka Beesha Sade oo dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxay go’aano (Daawo Video)

Qamiistii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu aheyd October 11, 2012 ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shir balaaran oo ay isugu yimaadeen wax garad iyo madax dhaqameed kasoo jeeda gobolka Gedo, kaasoo looga hadlayay masiirka hogaanka Dhaqanka beesha Sade ee gobolka Gedo.

AUN Ugaaskii beesha Sade ee gobolka Gedo, Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa waxaa uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku dhintay June 9, 2011, ilaa iyo waqtigaasna sida ay odayaasha shirka qabtay sheegeen ma jirto cid isaga timid cidii badali laheyd Ugaaska geeriyooday.

Qaar ka mid ah odayaasha shirka ka hadlay oo uu ka mid yahay Garaad Maxamed Sh. Maxamuud oo ah Garaadka beesha reer Garaad ayaa waxay sheegeen in ujeedada shirka loo qabtay aanay aheyn mid Siyaasadeed iyo mid Urur toona, balse looga hadlayo oo kaliya hogaanka dhaqanka beesha Sade ee gobolka Gedo.

Dhanka kale, odayaasha ayaa waxay si cad u sheegeen wixii ka danbeeyay geeridii Ugaas Cumar Ugaas Xirsi inuusan jirin haba yaraatee hogaan guud oo uu Mareexaan ku mideysan yahay, cid ku matali kartana aanay jirin.

Baaqan ayaa waxuu kusoo beegmayaa kaddib markii ay waxgarad iyo odayaal kale oo isla beesha Sade ee gobolka Gedo kasoo jeeda ay October 1, 2012 baaq ay Baardheere kasoo saareen ku sheegeen inuusan jirin Ugaas ka danbeeyay Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ay beesha Sade ee gobolka Gedo leedahay.

Halkaan ka akhri baaqii ay odayaasha beesha Sade ee Baardheere soo saareen iyo go’aanadii kasoo baxay

Video-ga hoose ka daawo baaqa hadda kasoo baxay waxgaradka iyo odayaasha beesha Sade ee Muqdisho ku shiray:


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Shirwayne looga tashanayay hogaanka dhaqanka Beesha Sade oo dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxay go’aano (Daawo Video) "

  1. Mohamed says:

    Maxaa loo diidy in la doorto hogaan cusub??..hadii la dooran waayo waxaa dhici donto in aan dadka ka danbeyn doon..arintaa nah way dhacdy is qab qabsi ayaa imaany so ..hormar waxaa lagu gaaraa dad isku xiran hogan leh meel xun ayaad na dhigten waa nah dan beynaa… wake up people

  2. beesha facayo sade says:

    ASC salaan kadib waxaan salaamayaa shabakadadaan wararka Allgedo salaan kadib waxaan rabaa inaan idin su,aalo beesha sade maxay kudhacday inay halbeel kaliya ku, adeegato miyeysan jirin dad walaalahood ah oo,uu kala dhexeeyo magaca? waxaan idinka codsanayaa arintaas inaad weydiisaan wax garadka beesha mareexaan sade jawaabtana aad soo galisaan hadii aad tihiin warbaahin dhexdhexaad ah jecelna inay dhamaan dadku kuqancaan qoraalkooda iyo dhexdhexaad nimadooda

  3. Baaqan ayaa waxuu kusoo beegmayaa kaddib markii ay waxgarad iyo odayaal kale oo isla beesha Sade ee gobolka Gedo kasoo jeeda ay October 1, 2012 baaq ay Baardheere kasoo saareen ku sheegeen inuusan jirin Ugaas ka danbeeyay Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ay beesha Sade ee gobolka Gedo leedahay.

    Bayaankaas aad soo galiseen waxaa kucad beesha sade inay tahay mareexaan kaliya taasna waa meelkadhac aykaxumaan karan dad idinla wadaaga magaca iyo dhalashadaba marka waa inaad kasoo jawaabtaan hadaad naga aragti duwan tihiin iyo hadaad kutalagal uyeesheen dabcan anaga wali waxaan aaminsanahay allaaha unaxariistee ugaasku inuu naga wada dhintay aana aheyn dad wax walba wadaaga lkn qoraalkaas wuxuu cadeeyey asagoo waliba kayimid odayaashii dhaqanka gado inuu ugaasku ugaas u,ahaa beesha mareexaan kaliya mana ogin anagu hadaan nahay beesha facayo sade meel aan kukala harnay marka hadaad adinku kawar haysaan fadlan jawaab nasoo siiya si,aan ugu diyaar garowno sidii aan kusameysan lahayn ugaas noogaara.
    ————

    From: Allgedo Online

    Akhriste, waxaan fileynaa in su’aashaan aad AOL weydiisay ay ku habooneyd in aad weydiiso cidda qoraalkaas soo qortay ama odayaasha beesha qoraalka noo soo gudbiyay, laakiin sida laga yaabo in aad ka warqabtaba AOL waa shabakad warbaahineed ee ma ahan shabakad qaabilsan qabiil, dhaqan iyo siyaasad toona.

    Mahadsanid.

  4. asc waxaan salaamayaa wariyaasha allgedo meelkaste oo ay joogaan waxay ilatahay odayaashii baardheere kasoo galiyay baaqa kal hore iyo kan haatan laga soo galiyay waa isku macne waxayna ila tahay inaay u jeeda doodu tahay in lahela hogaan daacad ah oo lagu mideysan yahay.

    Beel waliba waxay leedahay ugaas, nabadoon iyo garaad. waxaan qabaa in halkaa loo daayo ama ugaas xaqa ka hadli karo dulumka ka jira mariixaan dhexdiisana baabi inkara dadkana mideeynkaro aanu doorana, balse hadii uu is xaqirkii soo jiray mudo badan oo ahaa kan fogee oo wuxuu aheyn ku sheeg, waa laga yimid sheekadaa ee ama hala doorto ugaas mideeya beesha mareexaan sade ama sidaa haloo daayo sheekada, waxaayo waxaan ka harnay caalamka iyo gobalada soomali iyo wali asaageen.