Home » News »

Workshop uu Ururka SEDO ku qabtay Degmada Garbahaarey (Sawiro)

Kulan looga tashanayey sidii sare loogu qaadi lahaa waxbarshada Degmada Garbahaarey ayaa  lagu qabtay hoolka shirarka ee Dugsi sare Amiirnuur, waxaa ka soo qayb galay bulshada noocyadeeda kala duwan sida: qaar ka mid ah Maammulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada hoose dhexe ee ku yaallo degmada G/haarey, macallimiinta iyo  guddiga Dugsiga Sare Amiirnuur, qayb ka mid ah ardada wax ka barato dugsira sare ee Amiirnuur, waaliddiinta iyo qaybo ka mid ah aqoonyahanka degmada Garbahaarey.

waxaa workshopka soo jeedinayey madaxa Mu’asasada Waxbarashada iyo horumarinta ee Alqalam  Maxamed Ibraahim Xasan, wuxuuna  si qotodheer uga hadlay Muhiimadda ay ku fadhido waxbarshada, hadaladiisana waxaa ka mid ahaa (waxbarshadu waa shay uusan ka maarmin bin’aadamka si le’eg sida uu uusan uga maarmin  biyaha iyo cuntada. Waxbarshada iyo tarbiyada waxay qofka bartaa xiriirka ka dhexeeyo qofka iyo rabbigiisa. Waxay bartaa oo ay hagaajisaa xiriirka qofka iyo bulshada uu la nool yahay. Waxay ka dhigtaa qof dhamaystiran oo wax ku soo kordhiya bulshada uu la nool yahay.)

wuxuu kaloo ka hadlay waajibka saaran waalidka ama hadba qofkii mas’uul ka ah awlaadda inuu waxbaro tarbiyeeyana isagoo soo bandhigay waxyaabaha ardayga ku dhiirigaliya waxbarashada sida:

Koontarool iyo ka-warqab.

  • In si joogto ah looga war hayo xaaladda   ilmaha.
  • Ka-warhayn  xaalka waxbarasho iyo tarbiyo ee awlaadda.
  • In waalidku soo booqdo iskuulka lana socdo xaalka ilmihiisa ee waxbarasho iyo tarbiyo.
  • In xiriir joogto ah uu la yeesho maammulaha iskuulka iyo macallimiinta.
  • In  lagu koontaroolo wax akhrinta guriga.
  • In  laga ilaaliyo maqnaashaha faraha badan meel ka baxsan guriga iyo goobaha waxbarashada.
  • In la abaalmariyo  ilmaha markii ay dadaalaan  sida in la ammaano, waxuu jecelyahayna loogado.
  • In lala xisaabtamo markuu qalad la yimaado sida: in loo diido wax ilmaha kale la siinayo, in shaqo fara badan lagu xukumo, in lawaaniyo ama la canaanto.
  • In ardayga lagu tarbiyeeyo xurmaynta waalidka, macallimiinta iyo goobaha waxbarshada.
  • In loo gado waxyaabaha lagama maarmaanka ah  ee wax lagu barto sida: buugta wax lagu qoro, buugta manhajka ee daabacan, qalinka iwm. In guriga loo keeno macallim caawiyo haddii uu u baahdo.

Wuxuu  sidoo kale ka hadlay maxamed ibraahim  waxyaabaha  saamaynta xun ku leh waxbarshada iyo tarbiyada ardayga sida:

Saamaynta bay’adda aan wanaagsnayn, dagaallada, khilaafaadka  iyo kooxaysiga ka socdo deegaanka ay waxbarshada ka jirto, Dhaqaalaha qoyska oo si aan haboonayn  ay inta badan waalidku u maammulaan, sida in aysan muhiimadda saarin qarashka ku baxa waxbarshada halka lagu bixiyo lacagta  waxyaabo dheeraad ah oo laga maarmi karo.

Dhibaatooyinka qoyska dhexdiisa ka jiro sida:  Mas’uuliyad darrada aabbo, hooyo ama labadaba. Khilaafka dhex maro waalidka, Nidaamdarrada ka jirta guriga sida, waqtiga cuntada oo lagu aaddiyo xilliga ay ilmuhu aadi lahaayeen iskuulka ama iyadoon diyaarsanayn xilliga bareegga,  Isticmaalidda agabka reerka, Nadaafadda guriga, Goobta ilmuhu wax ku akhristo oo aan nidaamsanayn sida: kursiga, miiska iyo nalka.

Teleefoonka gacanta iyo dhibaatooyinkiisa. Waqti lumis, qarash lumis, saaxiibo badan oo xunxun oo uu si fudud u saameeyo,  ahklaaqxumo sida sheekada macna-la’aanta ah iyo xiriirka aan habboonayn ee dhex maro gabdhaha iyo wiilasha.  Wuxuu ku soo gaba gabeeyey  halkudheg ah: (Adiga waalidka ah markii aad wanaagsnaato ayuu Ilmahaaduna wanaagsanaanayaa).

Waxaa kale oo ka hadlay workshopka madaxa SEDO-Garbahaareey Maxamed Maxamuud Cigaal oo loo yaqaano (Wali maxamuud). Wuxuuna si kooban uga hadlay qiimaha ay bini aadamka ugu fadhido aqoonta isagoo sheegay inaysan ummad  jiri Karin aqoon la’aan.

Wuxuu kaloo ka hadlay  hay’ada SEDO oo fadhigeeda yahay dalka Norwey ee suurto galisay workshopkaan qiimaha badan iyo  waxqabadka balaaran ee ay ka waddo degmada Garbahaarrey iyo deegaanada ku xeeran. Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa (SEDO waa urur maxalli ah oo ay aasaaseen dhallinyaro ku nool dalka dibaddiisa iyo gudaha dalka xafiisyana kuleh meelo badan oo dalka dibaddiisa ah.  Waxaa la aasaasay 2007-dii, waxqabadkeedii oogu horreeyayna wuxuu ahaa aasaasidda Dugsi sare ee Amiirnuur ee aannu hadda dhex fadhinno,  Dhismaha iskuulka waxaa iska kaashaday Sedo iyo Nca, waxaa kale oo ay Sedo ka caawisaa iskuulka mushaaraadka macallimiinta, tababbarida macalimiinta iyo gudiga iskuulka,  iyo qabashada  shirarka lagu dhiiri galiyo wax barashada).

Waxaa  uu sheegay Maxamed Maxamuud Cigaal inaysan  Sedo waxqabadakeeda  bulshada uusan ku koobnayn waxbarshada oo kaliya ee ay ka qaybqaadato baahida aasaasiga ah ee bulshada. Hay’addu waxay dhawaan dayactir ku sameeyay ceelasha biyaha degmada Garbahaarey. Labo matoor ayay degmada siisay, iyadoo sidoo kale dayactirtay qolalka matoorrada.

Waxaa kale oo uu sheegay Wali Maxamuud in uu billawday mirihii loo aasaasay Dugsiga Sare ee Amiirnuur oo ay dafcaddii ugu horraysay ka qalin jabisay sanad dugsiyeedka 2011-2012, ardadii ka qalinjabisayna ay  qayb kamid ah ka billaabeen inay ka sii wataan waxbarashada jaamacadaha Muqdisho, halka kuwa kalena ay macallimiin ka noqdeen qaar ka mid ah dugsiyada hoose/dhexe ee degmada Garbahaarey, Sidoo kalena lix ka mid ahna ay deeq waxbarsho ka heleen waddanka Suudaan.

Waxaa iyana ka hadashay workshopka Kaydsan Maxamed Aadam oo ka mid ah soo jeediyayaasha workshopka.  Kaydsan waxay bulshada ku boorrisay inay ka qaybqaataan horumarka waxbarshada deegaanka ka jirto,  waxay si gaar ah ula hadashay hooyooyinka inay kaalintooda waxbarashada ka qaybqaataan.

Waxaa sidoo kale ka hadlay maammulaha Dugsiga Amiirnuur Cali maxamed Ciise,  Maammulaha Dugsiga hoose/dhexe ee ay gacanta ku hayso hay’ada NCA Maxamed Xasan Cilmi (Ife). Maammulaha Dugsi hoose/dhexe ee Gogol Cali Xasan Sh Cabdille iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasoo kuligood si hufan uga hadlay muhiimadda tacliinta iyo in bulshada degmada Garbahaarey ay u istaagto siday ku tayayn lahaayeen waxbarshada. Dhammaan dadka ka hadlay waxay ammaan iyo bogaadin u soo jeediyeen hay’ada SEDO oo suurta galisay qabashada workshopkan qiimaha badan.

Link-iga hoose riix si aad u aragto Qoraaladii hore ee Mu’asasada Waxbarashada ee Al-Qalam:

http://www.allgedo.com/2012/06/05/imtixaankii-oo-usoo-gabagaboobay-iskuulada-hoos-yimaado-muasasada-al-qalam-ee-gobolka-gedo/

Masawirada hoose midka aad rabto in aad daawato dushiisha hal mar GUJI si uu kuugu weynaado.

Nuur maxamuud jaamac
Alqalamsom@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.