Waxaa gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ka soconaya abaabulo dagaal oo kadhan ah Kooxda Shabaab.
Abaabuladan ayaa waxaa si wadajir ah uwada ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom.
Sida uu sheegay Axmed Cismaan Axmed Inji oo ah gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan waxaa ciidamada ay doonayaan in ay ka dhaqaaqaan Magaaladda Beledweyne iyagoo aadaya dhanka degmooyinka ay Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaas.
Sargaalkan ayaa sheegay in Shabaab ay ku bur bureen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay goboladda Koofureed ee dalka sidaa darteed aysan lahayn awood ay kusii jeegaan magaalooyinka ay haatan haystaan.
Waxaa Axmed Inji sidoo kale uu kahadlay ciidamada Amisom ee gaaray Magaaladda Beledweyne kuwaas oo uu sheegay in sidoo kale ay ka qeyb qaaadan doonaan sugida amaanka magaaladda.
Al-Shabaab ayaa degmooyin kooban sida Jalalaqsi iyo Buulo-burde ka jooga gobolka Hiiraan.
AOL Goboladda dhexe Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.