Home » News »

Dooni kusoo xiratay Kismaayo iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyay

Amaanka Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoona mudo kadib ay kusoo xiratay dooni ganacsi.

Doonidan oo uraran ganacsato Soomaaliyed ayaa sida Bagaash iyo waxyaabo kale, waxaana soconaya dajinta qalabka ay sido doonida.

Sargaal katirsan Maamulka KMG ah ee dekadda Kismaayo ayaa AOL usheegay in dekadan oo ah mid ganacsi ay noqonayso tii ugu horeeyay tan iyo markii ay magaaladda kala wareegeen Shabaab.

Dhanka kale amaanka dekadda Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamada Kenya lagu arkayo badda iyo biriga iyagoo ka sugaya amaanka.

Al-Shabaab ayaa dhawaan laga qabsaday Magaaladii u dhaqaalaha ugu badan kasoo geli jireen iyadoona haatan magaaladda dhaqaalaheedda uu gacanta ugalay dhinacyadii la wareegay.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.