Home » News »

Madaxweyne Xasan Sh iyo Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho

Xili maalinta beri ah lagu wado in Ra’isul wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr C/Faarax Shiikh-doon uu hortagayo barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa magaaladda Caasimadda ah ka soconaya kulamo gooni gooni ah.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Pro Xasan Sh Maxamuud ayaa kulamo kala duwan saacadihii lasoo dhaafay la lahaa xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya kuwaas oo uu ku boorinayo in ay ansixiyaan ra’isul wasaaraha uu soo magacaabay.

Xildhibaanada ayaa madaxweynaha waxaa uu kula kulmayaa qaab been beel ah sida ay AOL usheegeen qaar kamid ah xildhibaanada uu la kulmay madaxweynaha.

Ra’isul wasaaraha magacaabay Dr Saacid ayaa isagana kulamo kuwaas lamid ah la leh xildhibaanada barlamaanka si ay u ansixiyaan.

Mudanayaasha barlamaanka ayaa beri ufariisan doona kulanka ay ugu codeynayaan Ra’isul wasaraaha magacaaban.

AOL kala soco Wararkii soo kordha Insha Allah

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.