Home » News »

Roobab mahiigaan ah oo biyo dhigay Magaaladda Gaalkacyo

Magaaladda Gaalkacyo iyo deegaano kale oo kuyaal bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay roobab mahiigaan ah kuwaas oo biyo dhigay deegaano badan oo dalka katirsan.

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in roobabka ay miyo dhigeen gudaha magaaladda iyo dhulka miyiga ah.

Wariye madax-banaan oo kusugan Magaaladda Gaalkacyo ayaa warbaahinta AOL usheegay in laamiyada aan la mari karin kadib markii ay biyo dhigeen roobabka.

Roobab kuwaas lamid ah ayaa ka horeeyay qeybo kamid ah goboladda Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha dalka.

Xili roobaadkan ayaa kusoo aadaya xili dad badan ay la dhibaatoonayeen abaaro baahsan oo ka jiray goboladda dalka kuwaas oo si gaar ah usaameeyay xoolo dhaqatada iyo beeraleyda.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.